Atariishada Pooja Hedge waxa ay dhawaanahan ku mashquulsan tahay duubista filimka weyn ee Housefull 4 kaaso u hogaamiye ka yahay aktarka Akshay Kumar, Bobby Doel, Ritesh, Kriti iyo kuwa kale oo badan

atariishadan 28 jirka ah ayaa waxa ay Bollywood-ka kusoo biirtay sanadkii 2016 iyadoo kusoo caan baxday filimka Mohajendro kaaso uu waday aktarka Hrithik Roshan waxaa ka hor atariishadan ay kasoo muuqatay aflaamo Telegu iyo Tamil ah

atariishadan u dhaxeeysa Koonfurta iyo Bollywoodka ayaa waxa ay noqotay mid ay si weyn ay u baadi-goobaan filim soo saarayaasha ugu caansan labadaas shirkadood

hadda waxaa soo baxaya warar sheegayaan in atariishadan ay gaartay heerkii ay mudo badan ay raadinaysay iyadoo hadda gacanta ku dhigtay heshiis sadex filim oo waa weyn iyadoo sadex filim u samayn doonta mid ka mid ah shirkadaha ugu awoodda badan xiligan bollywoodka shirkad kale maaham ee waa shirkada uu madaxa uu yahay Sajid Nadiadwala ee Nadiadwala Grandson Entertainment Banner

waxaana wararka intaas ay ku darayaan in atariishadan ay hadda ay u gacan gashay Sajid Nadiadwala kaaso ku caan ah inuu caalamka tuso tayada aktarada bollywoodka sida Tiger Shroff , Jacquline Fernandez iyo atariishada Disha Patani hadda waxaa la sugi doona cida la hogaamin doona atariishadan sadexda mashruuc ay saxiixatay iyo xilliga la daawan doono

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here