Atariisho Turki ah oo weerar ku qaaday atariishooyinka kale ee Turkiga iyo doorarka ay ku matalaan taxanayaasha

0
977

Atariishada Turkiga ee İrem Helvacıoğlu ayaa si adag uga hadashay doorarka ay dumarka ku matalaan filimada iyo taxanayaasha Turkiga ayadoona sheegtay inuu yahay mid aad u liita markii lala barbardhigo doorka atoorayaasha.

Irem oo ka hadleysay sida ay uga soo horjeedo arinkaan una nacday doorarka gabdhaha ayaa waxay hadalkeeda ku bilowday; “Xaqiiqdii aniga waan nacay doorarka ay qaataan dumarkeena”

Waxayna intaas raacisay; “inta badan waxay qaataan dumarka doorka jaceylka doqonimada ah, ayadoona laga dhigaayo doorkeeda mid dhoohan ah, balse ninka doorkiisa waxaa laga dhigaa mid xoogan caqli badan sidoo kalana naftiisa ku kalsoon”.

Irem ayaana sheegtay arintaan iney tahay bahdil iyo cunfi lagu sameynaayo Atariishooyinka ayadoona tiri; “Miyaysan tani aheyn cunfi nafsadeed dumarka lagu beegsanaayo gaar ahaan markii laga dhigaayo arin iska dabiici ah?”

Ugu dambeyn Irem ayaa sheegtay in layaab ku tahay doorarkaan intooda badan iney qorayaal ka yihiin isla dumar kale waxayna tiri; “Tan ugu daran waxay tahay ee iga yaabisay in doorarkaas dadka qoraa ay yihiin isla dumar uun”.

Hadaba akhristow adiga mala qabtaa İrem Helvacıoğlu fikirkeeda ah in dumarka lagu bahdilo taxanayaasha?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here