Atariishooyinka xiriirka wanaagsan la leh sodohdooda iyagoona sidoo hooyadood oo kale ula dhaqmaan. Aishwarya Rai iyo Jaya Bachchan ayaa miiska noo saaran

0
1318

Jilayaasha caanka ah noloshooda marwalba sheybaarka hoostiisa ayay yaalaan oo marba dhinac ayaa tooshka lagu ifiyaa baarisna lagu sameeyaa gaar ahaan xiriirada ay la leeyihiin shakhsiyaadka ugu dhaw sida lamaanahooda iwm.

Xiriirada sidoo kale waxaa kamid ah xiriirka ka dhaxeeyo gabadha iyo sodohdeeda waana mid kamid ah arimaha ugu muhiimsan ee tooshka algu ifiyo ayadoo India looga yaqaano arinkaas yacni xiriirkaas (Saah-Bahu).

Hadaba halkaan hoose kaga bogo atariishooyinka xiriirka wanaagsan la leh sodohyadooda waxaana qoramada kusoo qaada doonaa atariishooyinka la qabo 2 sano iyo kabadan ee xiriirka adag la yeeshey sodoh-dooda.

2- Aishwarya Rai Bachchan iyo Jaya Bachchan.

Inkastoo warbixino qaar oo laga qoray Aishwarya Rai iyo Jaya Bachchan ay tibaaxayaan in uu jiro khilaafaad hoose oo labadooda ka dhaxeeyo hase yeeshee cadeymaha ayaa waxay muujinayaan sida uu xiriirkooda u wanaagsanyahay khilaafka la sheegaayana uu u yahay mid saxaafada kaliya hadal heyso.

Jaya Bachchan ayaa markasta garab istaagto gabadha uu wiilkeeda Abhishek Bachchan qabo ayadoona fagaare walba ka amaanto xitaa heer ay gaarto in mar tiraahdo; waxaan dareemay dareenka jaceyl ee qotoda dheer leh kaasoo ay Aish u heyso Abhishek kahor inta aysan is guursan.

Dhanka kale Aishwarya ayaa dhinaceeeda amaan ugu qubeyso sodohdeeda Jaya waxayna sidoo kale sheegtaa in ay ixtiraanto dhamaan qoyska reer Bachchan.

La soco qeybta 3aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here