Atariishooyinka xiriirka wanaagsan la leh sodohdooda iyagoona sidoo hooyadood oo kale ula dhaqmaan. Kareena iyo Sharmila ayaa miiska noo saaran

0
1167

Jilayaasha caanka ah noloshooda marwalba sheybaarka hoostiisa ayay yaalaan oo marba dhinac ayaa tooshka lagu ifiyaa baarisna lagu sameeyaa gaar ahaan xiriirada ay la leeyihiin shakhsiyaadka ugu dhaw sida lamaanahooda iwm.

Xiriirada sidoo kale waxaa kamid ah xiriirka ka dhaxeeyo gabadha iyo sodohdeeda waana mid kamid ah arimaha ugu muhiimsan ee tooshka algu ifiyo ayadoo India looga yaqaano arinkaas yacni xiriirkaas (Saah-Bahu).

Hadaba halkaan hoose kaga bogo atariishooyinka xiriirka wanaagsan la leh sodohyadooda waxaana qoramada kusoo qaada doonaa atariishooyinka la qabo 2 sano iyo kabadan ee xiriirka adag la yeeshey sodoh-dooda.

1-Kareena Kapoor iyo Sharmila Tagore.

Sharmila Tagore waa hooyada dhashay jilaaga Saif Ali Khan waxayna horay usoo aheyd atariisho weyn ayadoo bari samaadkii filimada jili jirtay.

Xiriirka Kareena iyo Sharmila ka dhaxeeyo waxaa lagu tiriyaa mid kamid ah xiriirarada ugu fiican ee atariisho iyo sodohdeeda ka dhaxeeyo waxayna labadooda si wadajir uga qeyb galaan munaasabadaha looga yeero ayagoona sidoo kale amaan isku huwiyo waxaana intaas usii dheer in Kareena ay Shormila ugu yeerto Hooyo.

La soco qeybta labaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here