Ayadoo ay jiraan atariishooyin badan oo cadaan ah kuwaasoo qarashaad badan ku bixiyo sidiu ay u heli lahaayeen midabka maariinka furan hadana waxaa jiraan atariishooyin midabkooda koowaad maariin uu ahaa kuwaasoo haatan midab cadaan lasoo baxeen.

Hadaba waxaan halkaan idiin kuugu soo bandhigi doonaa atariishooyinka ugu caansan ee midabkooda cadeeyay kuwaasoo xitaa qaliin dhanka maqaarka u maray sidii ay isku cadeyb lahaayeen.

Halkaan hoose kaga bogo;

1-Kajol Devgan;

Kajol waa mid kamid ah atariishooyinka ugu hibada badnaa ee Bollywoodka soo mareen iyadoona laheyd qaab jiliin cajiib ah balse fagtii hore markii ay Bollywoodka soo galeysay waxay laheyd midab maariin furan oo sida hada ay u cadahay uma cadeyn.

Kajol ayaa la aaminsanyahay iney adeegsatay maadooyin midabka furaan kuwaasoo ka caawiyay in muuqaal cad misna dhalaalayo lasoo baxdo ayadoona midabkii maariinka ahaa gadaal iska marisay.

2-Priyanka Chopra;

Qofkasta oo arkay Priyanka markii ay ku guuleysaneysay quruxda aduunka sanadkii 2000 wuu dareemi karaa farqiga weyn ee midabkeeda u dhaxeeyo atariishadaan.

Priyanka ayaa la aaminsanyahay in heerka midabkeeda wax badan ka badashay ayadoona midab cad oo furan lasoo baxday halka markii hore ay aheyd maariin.

3-Shilpa Shetty;

Inkastoo atariishadaan fanka mar hore isaga fariisatay hadana wali hadal heynteeda wey taagantahay taasoo ku aadan sidii ay u badashay midabkeedii maariinka ahaa ulana soo baxday midab cad oo dhalaalayo.

La soco qeybta 2aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here