Ayadoo ay jiraan atariishooyin badan oo cadaan ah kuwaasoo qarashaad badan ku bixiyo sidiu ay u heli lahaayeen midabka maariinka furan hadana waxaa jiraan atariishooyin midabkooda koowaad maariin uu ahaa kuwaasoo haatan midab cadaan lasoo baxeen.

Hadaba waxaan halkaan idiin kuugu soo bandhigi doonaa atariishooyinka ugu caansan ee midabkooda cadeeyay kuwaasoo xitaa qaliin dhanka maqaarka u maray sidii ay isku cadeyb lahaayeen.

Halkaan hoose kaga bogo;

4-Bipasha Basu;

Sanadihii 2005tii ilaa 2007dii waxay kamid aheyd misna loo doortay gabadha ugu soo jiidashada badan qaarada Asia ayadoona laheyd midab maariin ah.

Xitaa hada kahor ayay qiratay ayadoona ku faantay midabkeeda balse cadaadis dhanka saxaafada iyo cunsuriyad ay la kulantay ayaa sabab u noqdeen in Bipasha Basu qaliin dhanka maqaarka sameyso ayadoona is cadeysay.

5-Sridevi;

Atariishadaan geeriyootay ayadoo weyn ayay midabkeeda badashay waxaana lawada ogyahay in qaliin u martay sidii ay isku cadeyn laheyd misna midabka maariinka furan ugu badali laheyd midab cadaan ah.

6-Rekha;

Rekha markii ay yareyd midab maariin ayay laheyd balse sida Sridevi oo kale ayadoo weyn ayay midabkeeda badashay misna is cadeysay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here