Atirishada dhalinta Athiya Shetty ee uu aabaha u yahay ruug cadaa Suniel Shetty ayaa amaan lixaad leh dul dhigtay dhigeeda Alia Bhatt oo ay Bollywood-ka ka wada tirsan yihiin.

Athiya Shetty waxay dooneysaa inay Alia Bhatt oo kale noqoto sidoo kalena fanka awood ku yeelato waxayna tiri “Inkastoo Alia aan isku fac nahay da’ahaan hadana waa xidig aan wax badan kaga deydo sidoo kalena dhiiri galin ii ah inaan heer sare gaaro”

Athiya Shetty oo 26-jir ah kuna soo caan baxday filimkii Hero oo sanadii 2015 la daawaday waxay tiri “Alia mudo gaaban ayay heer sare ku gaartay waxaana ugu wacan shaqada adag oo ay qabato iyo sida ay isugu kalsoon tahay”

Athiya Shetty sidoo kale waxay amaan usoo jeedisay atirishada Anushka Sharma filimada kala duwan oo ay sameeneyso waxayna tiri “Anushka bandhig wacan ayay filim walbo ka sameysaa sidoo kalna waxaa cajiib ah doorar kala duwan oo ay qaadato iyo xulashada filimadeeda”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here