Bollywood Action Hero Suniel Shetty (Balwaan) gabadhiisa wey soo noqotay waliba markaan hadal heyn weyn ayee dhalisay kadib markee la timid mashruuca xiisaha leh ee Motichoor Chaknachoor kaaso Nawazuddin Siddiqui hogaamiye ka yahay.

Inaba caadi ma ahan bandhiga cajiibka leh ee Athiya good gooskan kusoo bandhigtay maba ahan Athiya-dii sida loox meel taagan oo kale ka ahed aflaamtii ay horey u jishah sida Hero iyo Mubarakan markaan waa atiriisho diyaarsan.

Inta badan waxaa xidigtaan lagu dhaliili jiray ineysan waxba ka aqoonin qaab jiliinka hada waxaa la leeyahay gabadha Balwaan macadka jiliinka lagu barto ayee kasoo baxday maadama shaashada kaga yaabisay daawadayaashii daawadeen goos gooskan.

Marka aan ka hadalno good gooska waa filimka Nawaz ku jilaayo nin guur ka daahay oo rabo inuu guursado haweyney midee doonto ha noqote halka Athiya ku jileyso gabar riyadeeda tahay sidee dibada ku aadi lahed hadaba labadan wey is guursanayaan maxaase dhexnari mari doono.

Waa goos goos shactiro leh, bandhiga hogaamiyaasha iyo Athiya oo hadal heynta la wareegtay hoos ka daawo xidigtaan soo jiidashada cusub ay la timid.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here