Athiya Shetty waa atirisho Bollywood-ka ka tirsan waxaana aabo u ah ruug cadaa Suniel Shetty oo mudo dheer fanka Hindiya ka tirsan maqaam sarena ka gaaray haddaba atirishadan dhalinta yar waxay saxaafada la wadaagtay hal xeer ama dhaqan oo guriga reer Shetty ka jiro kaasi oo noqday xeer lama taabtaan ah.

Athiya Shetty waxay tiri “Qoyskeena xeerka noo yaalo oo aan ku dhaqano wuxuu yahay in qofna qofka kalena uusan talo iyo waano ka siinin shaqadiisa, xeerkaas aabo (Suniel Shetty) ayaa inoo dajiyay wuxuuna rabaa qaladaadka nolosha aan galno in cashar noo noqdo sidoo kalena guulaha aan gaarnana aan ku faanin oo ay muhiimada kowaad noqoto qof walbo isaga inuu tiisa hormariyo mana jirto qof qof ka kalena isku haleenayo si uu garab u siiyo ama u caawiyo waayo nolosha waa halgan waxaana nagala rabaa halgaankaas inaan dhinac ka galno.”

“Waalidkeey aniga marnaba garab iguma siinin shaqada aan doortay haddana walaalkeey (Ahan Shetty) isagana cidna garab ma siin doonto madaama uu Bollywood-ka kusoo biiray wuuna og yahay xeerka gurigeena ka jiro waxaana u rajeenaa nasiib wanaagsan madaama dhawaan uu filimkiisa kowaad duubis ku bilaabay.”

Athiya Shetty waxaa sanadkan qaybihiisa dambe usoo bixi doono filimka Motichoor Chaknachoor oo ay isla jilayaan Nawazuddin Siddiqui sidoo kalena waxay sheegtay inay xiiso u qabto ku biiritaanka Digital World ama ay sameeso aflaanta sida tooska ah Internet-ka looga daawado ee musal salada iyo filimada isugu jiraan madaama dhanka Digital World haatan loo batay oo ay jilaayaasha Bollywood-ka la shaqeeyaan shirkadaha Netfelix, Amazon, Prime Video iyo kuwo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here