Athiya Shetty waxaa aabo u ah ruug cadaa Suniel Shetty waxayna Bollywood-ka kusoo biirtay sanadii 2015 balse gabadhan labadii filim ay horey u sameesay Hero iyo Mubarakan amaan badan kuma helin qaab jilinkeeda waxayna shaqadeeda galisay hakad si ay u xulato mashruuc ay kusoo laaban karto.

Sidaa darteed Athiya Shetty waxaa dhawaan siweyn loogu amaanay goos gooska laga soo bandhigay filimkeeda cusub Motichoor Chaknachoor oo ay isla jilayaan Nawazuddin Siddiqui waxaana la daawan doonaa 15 Nov 2019 waana filim shactiro iyo arimaha qoyska ka hadlaayo.

Haddaba Athiya Shetty ayaa shalay oo Jimco ahayd baraha bulshada ku qabsaday sawir 25-sano ka hor ahaa waana iyada oo aad u yar waxaana sawirka kala muuqdaan aabaheed Suniel Shetty iyo hooyadeed Mana Shetty ayadoo soo raacsiiyay qoraal ay ku leedahay heeska filimkeyga ku jirto Crazy Lagdi ayuu sawirkan xasuusta qotoda dheer xambaarsan ka turjumaa.

Suniel Shetty oo isagana aad u qiireesan ayaa gabadhiisa amaan balaaran kala dul dhacay wuxuna u rajeeyay nasiib wacan filimkeeda Motichoor Chaknachoor  oo haatan hadal heyn xoogan xambaarsan.

Fadlan hoos ka daawo heeska Crazy Lagi ee ku jirto filimka Motichoor Chaknachoor lana soo bandhigay waxayna muuqaal ahaan u gaar tahay Athiya iyo Nawaz xili ay is doon doonayaan ama rabitaan jaceyl ka dhaxeeyo:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here