Home » Nolosha Jilaayaasha » Arin Naxdin Leh: Atiriishada Filmka Secret Superstar Zaira Wasim Oo Nin Sixun Ula Dhaqmay Iyo Gabadhaan Oo Instagram-ka Ku Ooyneysa (Sawiro)

Arin Naxdin Leh: Atiriishada Filmka Secret Superstar Zaira Wasim Oo Nin Sixun Ula Dhaqmay Iyo Gabadhaan Oo Instagram-ka Ku Ooyneysa (Sawiro)

Zaira Wasim waa gabadha kasoo muuqatay filmka Dangal sido kalena waa gabadha hogaamineysay filmka Secret Superstar kaaso uu gara istaage u ahaa Aamir khan.

Hadaba saaka subaxii hore ayaa waxaa dhacday in gabadhaan nin sixun ula dhaqmay kadib markii ay kasoo baxeysay Delhi kuna wajahned Mumbai.

Intii diyaarada la saarna oo hawada lagu jiray ayaa waxa dhacday in nin fadhiyay kurisga ka dambeya xidigtaan uu lugtiisa soo saarto garbaha gabadhaan Zaira Wasim ama meel kubeegan heer lugtiisa ay garabkeeda taabaneysay.

Waana fal saqajaanimo ah,hadaba gabadhan ayaa Video si dhib leh oo qarsoodi ah kaga soo duubtay ayadoo barteda Instagramka soo dhigeyso tusineysana in si anshax xumo ah loola dhaqmaayo.

Intaas kuma ekenine gabadhaan ayaa ciil isbaday kadib markii Flight-kii dhamaday xili ay Airport-ga kusugned ayee Video kale barteda Instagramka soodhigta ayadoo ooyneysa ama ilmeynesa sido kalena ka hadleysa sida saqajaanimada ah ee loola dhaqmay.

Gabar taagero u ahed gabadhan isla magaceeda wadata ayaa Share soodhahday videoga sido kalena dadkii ayada taageraha u ahaayen ee barteda Instagramka kuxirnaa oodhan ayaa halmar wada kaceen.