Atiriishada Tv-yada caanka ka ah misane reer Bengali ah Juhi Sengupta ayaa dacwad ka gudbisay niman ay dhib kala kulantay xili goobta shidaalka baabuurta ay joogtay waxayna sheegtay in iyada iyo waalidkeedba la handaday.

Juhi Sengupta oo sameeysa musalsalada baraha bulshadama qpf kaftan badan ka ah ayaa kiiskan u gudbisay Police-ka magaalada Kolkata maadama dhibkaan halkaas ka dhacay. Waxay dacwadeeda kusheegtay sida tan,” waxaan kusugneen goib shidaalka baabuurta ah waxaana ujoognay si batrool gaariga naloogu shubo ninkii waxaan usheegnay in batrool qiimahiisa yahay 1500 rupees uu kushubo.”

“Balse mid 3000 rupees qiimahiisa ah ayuu kushubay gaarigii intuu howshaas wadayna aniga ayuu qaab anshax xumo kudheehan ii fiirinaayey markii aabahay ku qabsaday qiimaha batroolka uu kushubay waxuuba kala tuurat aabahay.”

“Nimanka ilaa 5 ayee soo noqdeen furaha gaariga ayee naga qaateen waxaanba kusigtay in meesha la igu kufsado maadama caga jugleyn iyo aflagaado kala kulanay waxayna ahaayen niman anshax xun sharciga inuu wax iiqabto ayaa codsanaa.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here