Shweta Basu Barsaat waa atiriisho koonfur India kasoo jeeda aflaamta Tamil iyo Telugu ayee sameysa waxay guursatay Filimsameyaha lagu magacaabo Rohit Mittal taariikhda marke ku beegned December 2018.

Waxay isku guursadeen misane dageen Mumbai Hotel kuyaalo mudo sanad ayee wada noolaayeen kadib waxay go’aan ku gaareen December 2019 inee nolosha isku firaaqeyaan intaas kuma hakan hader inee is furaan ayee go’aansadeen oo maxkamada ayaaba ku dhawaaqeysa furiinka lamaanahan.

Shweta oo ka hadleysa saxaafadana u shaacineysa waxaytiri,”haa waa run aniga iyo Rohit inee kala tagnay furiinkana dhankeena wuu ka dhacay maxkamada kaliya ayaa dhiman inee ku dhawaaqdo waxaana noqoneyna dad asaxaab ah sidii markii hore bedelkii nin iyi xaaskiis ahaan laheen.”

Shweta oo sii wadata hadalka waxay tiri,”isaga kadib niyada kuma hayo inaan dib dambe u guursan doono ama xiriir jaceyl u sameyn doono kaliya hader shaqadeyda fanka ayaa diirada saarayaa marka aan ka hadlo aniga iyo isaga xiriirkena kale wada shaqeynta waxba iskama bedeli doonaan.”

“Waa Filimsameye ana atiriisho ayaa ahay dabcan Filim waan kawada shaqeyn doonaan maadama 5 sano dad asaxaab soo ahen”ayee hadalkeeda kusoo gaba gabeysay Shweta mar ay Media-yaha la hadleysay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here