Wax cusub ma ahan in dhacdooyinkaan oo kale nolosha dhabta ah dhacaan waana kuwa soo jireen ahaayen oo xitaa dad muslim ah ayee qabsatay marka inaan la yaabno ma ahan jilayaal gaalo ah oo taariikhdan ku dhacday.

Atiriisho daafaha caalamka caan ka ah Bollywoodka iyo koonfurna ka xamaalata ayaa asal ahaan nikaax la’aan dhalatay waliba nikaaxa hinduga ah atiriishadaasna cid kale ma ahan waa Shruti Haasan.

Shruti waxaa aabo u ah Superstar Kamal Haasan oo reer Tamil ah hooyadeedna waxaa lagu magacaaba Sarika waxayna gabadhaan dhalatay 28 Janaayo sanadkii 1986 haderna 33 sano ayee jirtaa.

Balse arooska hooyaded iyo aabahed kahor ayee dhalatay sababtana waa in xiriir wada noolaansho ah dhexmaray Kamal Haasan iyo Sarika oo is jeclaayeen kadib Sarika uur ayee qaaday weyna dhashay Shruti sanadkii 1986.

2 sano kadib markii Shruti dunida ku nooshahay ayee is guursadeen Kamal iyo Sarika si rasmi ahna oo shaac ka qaadis ahna guri uwada dageen balse mudo 2 sano ah xiriirkooda hadal heyn iyo fadeexo ayaa daba socotay maadama Sarika gabar nikaax la’aan dhashay.

Marka Shruti Haasan waa atiriishada kaliya ee India kasoo jeeda taaso arooska hooyadeed iyo aabahed kahor dhalatay diwaangan Shruti atiriisho kale wali lama soogalin ama lama oga hadii ay jiraan xitaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here