Haweeyney lagu magacaabo Anupama Pathak oo hindi ah misane atiriisho ah ayaa is dishay naftana is dhaafisay balse inta aysan is dilin kahor muuqaal 10 daqiiqo soconaayo ayee iska soo duubtay sababte isku dishay ayaana layaab ah.

Waxaa la sheegay in laga cunay lacago ay dhigatay shirkad maalgalisa badeecooyin waxayna ugu talo gashay inee lacagteeda maalgashato sidaa aawged lacagtaas oo ay ku sheegtay 10,000 Rupees ($133) darted ayee isku dishay waana atiiriisho weyn oo mudo bada shaqeysaneysay.

Atiriishadan ayaa sameeyn jirtay filimada lagu daawado luuqada Bhojpuri-ga sido kale musalsaladana wey kasoo muuqan jirtay waxay sheegtay in qiyaanada wax walbo oga darantahay sida muuqaalka ay ku sheegtay meedkeeda ayaana laga helay gurigeeda dhexdiisa 2 August.

Akhriste macquul ma tahay in qof isku dilo $133 dollar waa wax cajiib ah dad badana la yaaban yihiin laakiin iyada qaabka lacagta looga qiyaanay ayee si weyn oga hadashay ogana murugootay sikastee ahaataba ma ahan lacag u qalanta in nafta la isku dhaafiyo tiiyo ay jirto in lacag walba nafta la siisan Karin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here