Home » Arimaha Bulshada » Atiriisho U Dhalatay Kuuriyada Koonfured Oo Noqotay Gabadha Dunida Ugu Raashiinka Yar!!

Atiriisho U Dhalatay Kuuriyada Koonfured Oo Noqotay Gabadha Dunida Ugu Raashiinka Yar!!

Aktarad u dhalatay dalka Kuuriyada Koonfureed oo ka mid ah, jilayaasha loogu jecel yahay dalkeeda, ayaa dood iyo muran badani ka dhashay, waraysi ay dhawaan bixisay, oo ay kaga hadashay nolosheeda iyo sida ay jiil jiilanaanteeda jidheed iyo quruxdeeda u ilaaliso.

Aktaradan oo lagu magacaabo, Lee Tai M, ayaa waraysi lagula yeeshay barnaamijka Video Star oo uu baahiyo, telefishan maxali ah oo ku yaala dalkeeda, ku sheegtay in maalintii oo dhan ay quudato sadex malqaacadood oo bariis ah.

Haweenaydan ayaa sheegtay in qadoodiga iyo gaajada ay u mudatay, sidii ay isaga ilaalin lahayd inay naaxdo oo ka dibna cayilka iyo baruurtu wax u dhinto quruxdeeda sida ay aaminsan tahay ama ay ku dooday.

Aktaradan Lee Tai M. ayaa sheegtay in mudo lix bilood ah ay dagaal adag kula jirtay baruurta iyo cayilka jidhka, oo ay sadex malqaacadood oo bariis ah, maalinta oo dhan cuni jirtay, ka dibna ay ku guulaysatay inay iska rido miisaan badan, soona ceshatay quruxdii jidheed ee ay lahayd.

Akhriste Sidee Kula Tahay Wadadan Sahlan Ee Ay Gabadhaan Sameysay Si Ay Isaga Difaacdo Hilibka.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *