Marka Bollywoodka la joogo diinta muhiim kama ahan oo lama dhahaayo qof hebel diin hebel ayuu heestaa ee Filim yaan lala saxiixan meesha waxaa lagu joogaa waa awood Filim lagu iibin karo iyo qaab jiliin heer sare ah.

Balse waxaa Bollywoodka u badan dadka heesta diinta Hinduga iyo Kirishtaan ah sidaas ay tahayna waxaa kujiraan kuwa muslimiin ah oo Ragg iyo Dumar ka kooban misane maqaam sare shirkadaan ka gaareen.

Maqaalkan waxaan kusoo qaadaneena qeybta atiriishooyinka hoos kaga bogo atiriishooyinka Bollywoodka ee sheegteen inee muslimiin yihiin diinta islaamkana heestaan inkastoo kudhaqanka diinta lagu kala duwan yahay.

Dia Mirza: atiriishadan sido kale iyada waxay kasoo jeeda qoys muslim ah waxayna sheegatay inee muslim tahay filimadeeda ugu caansan waxaa kamid ah Deewanapan, Rehna Hain Tere Dil Mein iyo kuwa kale.

Mahira Khan: waaba Atiriisho kasoo jeeda Pakistan xitaa waxay diiday atiriishadan inee shaashada horteeda kuxirato labis qaawanaan ka muuqdo waxayna kasoo muuqatay Filimka Raees ee Shah Rukh Khan hogaamiyaha ka ahaa 2017.

Saba Qamar: waxaa la sheegay in atiriishadan ay soo cumreysatay oo ay tagtay kacbada waa atiriisho kamid ah kuwa diinta islaamka heestaan ee shirkada Bollywoodka katirsan Filimadeedana waxaa ugu caansan Hindi Medium.

Sana Khan: Atiriishadan waxay sameeysay aflaam dhowr ah inkastoo dhar gaa gaaban shaashada horteeda kuxirato hadana waa muslim xitaa wey soo cumreysatay.

Nargis Fakhir: Quruxleydan miisaankeeda hader cuslaaday waa muslim sida ay sheegatay waxayna sameeysay aflaam caan ah sida Main Tera Hero, Rockstar iyo kuwa kale hader inee soo laabato ayee rabtaa oo Filimada sameeyso maadama miisaankeeda ay la dagaalameyso wax badana ka dhintay.

Lasoco Qeybta 3-aad Katrina Kaif iyo Zaira Wasim ayaa kujiraan…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here