Marka Bollywoodka la joogo diinta muhiim kama ahan oo lama dhahaayo qof hebel diin hebel ayuu heestaa ee Filim yaan lala saxiixan meesha waxaa lagu joogaa waa awood Filim lagu iibin karo iyo qaab jiliin heer sare ah.

Balse waxaa Bollywoodka u badan dadka heesta diinta Hinduga iyo Kirishtaan ah sidaas ay tahayna waxaa kujiraan kuwa muslimiin ah oo Ragg iyo Dumar ka kooban misane maqaam sare shirkadaan ka gaareen.

Maqaalkan waxaan kusoo qaadaneena qeybta atiriishooyinka hoos kaga bogo atiriishooyinka Bollywoodka ee sheegteen inee muslimiin yihiin diinta islaamkana heestaan inkastoo kudhaqanka diinta lagu kala duwan yahay.

Alia Bhatt: Waxay kasoo jeedaa qoys Muslim ah xidigtaan waxaana la sheegay in iyadana diinta islaamka heysato warar xan ah ayaa sheegen inee diinlaawe tahau laakiin wax kama jiraan ayee noqdeen Alia Bhatt inee muslim tahay ayaanu diiwaan gashan waqtigaan la joogo.

Katrina Kaif: Hooyaded waa reer London halka aabahed uu nin Hindi udhashtay uu yahay waana qof heestay diinta islaamka sidaa aawged Katrina hada kahor waxay sheegtay inee diinta aabahed heysato ee islaamka ah inkastoo Webstites qaar inee kirishtaan tahay u qoreen.

Fatima Sana Sheikh: Atiriishadan kusoo caan baxday Filimka Dangal ee Aamir Khan hogaamiyaha ka ahaa waa gabar muslimad ah diinta islaamkana heysata weyna ku faantaa marwalba ay ka hadasho.

Zaira Wasim: Alle ka cabsi aawgii ayeeba kaga baxday Bollywoodka si ay cibaado Alle iyo iimaankeeda u ilaalsato waxay kusoo caan baxday Dangal kadib waxay sameysay Secret Superstar iyo The Sky Is Pink.

Shabana Azmi: Atiriishadan waxay kamid tahay kuwa bari samaadkii 80-kii ayeeba shaacisay inee tahay gabar muslimad sh diinta islaamkana heysata Filim jilisteedana wey iska wadatay.

Dhamaad…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here