Marka Bollywoodka la joogo diinta muhiim kama ahan oo lama dhahaayo qof hebel diin hebel ayuu heestaa ee Filim yaan lala saxiixan meesha waxaa lagu joogaa waa awood Filim lagu iibin karo iyo qaab jiliin heer sare ah.

Balse waxaa Bollywoodka u badan dadka heesta diinta Hinduga iyo Kirishtaan ah sidaas ay tahayna waxaa kujiraan kuwa muslimiin ah oo Ragg iyo Dumar ka kooban misane maqaam sare shirkadaan ka gaareen.

Maqaalkan waxaan kusoo qaadaneena qeybta atiriishooyinka hoos kaga bogo atiriishooyinka Bollywoodka ee sheegteen inee muslimiin yihiin diinta islaamkana heestaan inkastoo kudhaqanka diinta lagu kala duwan yahay.

Soha Ali Khan: waxay la dhalatay jilaaga caanka ah Saif Ali Khan waa inanta ay dhashay Sharmila Tagore waa gabar dumaashi u ah Kareena Kapoor atiriishadan dhowr filim ayee sameysay waxayna kasoo jeedaa qoys muslim ah iyadana waa muslim ku dhalatay Mumbai kuna soo bar baartay.

Image result for soha ali khan

Zarine Khan: atiriishada labaaf ee maqaalkan ku xusan waa Zarine Khan oo ah gabar soo jiidasho leh marar badan ayee wareysi ku sheegtay ine kasoo jeedo qoys muslim ah iyadana ay heesato diinta islaamka waana ku faana midaas ayee tiri Zarine marar badan.

Image result for List of Famous Bollywood Actresses who are Muslim

Ayesha Takia: dadka badankiis kama war qabaan in quruxleydan qoys muslim ah kasoo jeedo waxay ku dhalatay Hyderabad waana magaalada ay kasoo jeedo asal ahaan sidaas ay tahay waxaa guursaday nin muslim ah oo sii xoojiyay iimaankeeda islaamnimada weyna iska dhaaftay filim jilista hader waa marwo qoyskeeda dhaqato.

Image result for List of Famous Bollywood Actresses who are Muslim

Huma Qureshi: xidigtaan qaab jiliinka wacan iyada waxay sheegatau inee muslimad tahay kuna dhaqanto diinta islaamka shaqo iskuma lahan ayeena tiri iimaankeyga iyo shaqadeyda fanka cid bedeli kartaana malahan ayee tiri inaan muslim ahay atoorayaasha ay la shaqeysay waxaa kamid ah Akshay Kumar, Varun Dhawan iyo Nawazuddin Siddiqui.

Related image

Tabu: atiriishadan waxay ku dhalatau Hyderabad kuna bar baartay qoys muslim ah ayee kasoo jeedaa Tabu iyadana waxay sheegatay inee muslim tahay shaqsi ahaan waana atiriisho tiro 50 kudhow da’ahaan walina aan la guursanin.

Related image

Lasoco Qeybta Labaad…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here