Waxaa sawiro laga soo qabtay atiriishooyinka Filimka Housefull 4 ee kala ah Kriti Sanon, Kriti Kharbanda Iyo Pooja Hegde kuwaaso Airport-ga kusugnaayen xili ay magaalka dib ugu soo noqdeen.

Waxay ku guda jiraan xayeysiin u sameeynta Filimkooda Housefull 4 kaaso dhamaadka bishaan October tiyaatarada la sasri doono waana mashruuc xiiso leh oo Diwali-gan si weyn loo wada sugaayo.

Magaalooyinka India ayee kolba mid booqanayaan xidigahaan si ay xayeyysiinta u balaariyaan goob walbana waxay kula kulmaan saxaafad cusub sawiro soo jidasho leh ayaa laga qabta xili ay Mumbai soo caga dhiganayeen.

Filimka waa qeybta 4-aad ee taxanaha Housefull waxaana atoorayaal ka ah Akshay Kumar, Bobby Deol iyo Riteish Deshmukh halka Sidharth Anand uu Director ka yahay waxaana iska leh Sajid Nadiadwala hoos ka daawo sawirada gabdhahan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here