Atirishada Aishwarya Rai Bachchan Xaflada Filmfare Awards Fursad Uma Aysan Heynin Madaxweynaha Dalka India Ayee Kulan La Qaadaneysay (+Sawiro)

Atirishada Aishwarya Rai Bachchan ayaa ku maqned Delhi ayadoo halkaas looga casuumay xaflada uu madaxweynaha India Ram Nath Kovind ku abaal marinaayey dumarka howsha la taaban karo dalka u qabteen.

Hadaba Aish ayaa xafladan kula kulantay wasiirka xuquuqda haweenka iyo caruurta ee lagu magacaabo marwo Meneka Sanjay Gandhi,.

Aish ayaa ku faraxsaned inee kulan la qaadato wasiiradaas iyo madax kale oo xaflada isugu yimaaden sido kale waxa farxad u ah in madax weynaha dalka India xaflad uu joogo ay ka qeyb gasho xidigtaan.

Sidaa awged fursad uma aysan heyninba ay kaga qeyb gasho xaflada Filmfare Awards ee Mumbai ka dhaceysay xalay waxaana saaka sawiro laga soo qabtay xidigtaan oo Delhi katimid Mumbai na soo caga dhigtaya.

Halkaan Hoose Ka Daawo Sawirada Airport-ga Looga Soo Qabtay: