Amber Heard waxay ka mid tahay atirishooyinka Hollywood-ka saameynta ku leh sidoo kalena waxay sameesay aflaan badan oo caan ah oo ay ka mid yihiin Aquaman iyo kuwo kale waxayna haatan sameeneysaa ciwaano saameyn xoogan leh kadib markii lacago waali ah maxkamada uga xukmisay seygeedii hore Johnny Depp oo ay horey u kala tageen.

Amber Heard waxay is guursadeen Superstar-ka caanka ah Johnny Depp sanadii 2015 ayadoo xaflad caalami ah dhigteen qarash badana ku baxay sidoo kalena marti badan oo caan ah lagu casuumay laakiin farxadii ka muuqatay lamanahaan caanka ah xiligaas waxay isku badashay mid murugo iyo muran badan dhaliso.

Amber Heard ayaa furiin ka dalbatay seygeedii Johnny Depp waxayna ku eedeesay inuu jirdilay sidoo kalena maskax ahaan dhaawacan dhibaatada joogtada ah uu ku haayay kadibna maxkamada ayaa kala furtay dacwadoodana halkaas kuma ekaan waxay noqotay mid aan dhamaad laheyn.

Ugu dambeyntii Amber Heard maxkamada arimaha qoyska Mareekanka waxay gabadhaan u xukmisay $7m inuu Johnny Depp siiyo xaqada ay ku leedahay iyo tacadiyadii uu u geestay awgeed waxaana la yaab noqtay in Amber lacagtaan aysan adeegsanin ayadoo sheegtay labo hay’ad arimaha samafalka ka shaqeeyo inay ku wareejisay hay’adahaas oo kala ah American Civil Liberties Union iyo Children’s Hospital Los Angeles!

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here