Waqtigan la joogo dadka caanka ah siweyn ayay ugu nugul yihiin in baraha bulshada lagu aflagaadeeyo ama lagu weeraro inta badana dul qaad adag ayay muujiyaan balse atirishada Bollywood-ka ka tirsan Meera Chopra wey xamili weesay weerarka dhanka baraha bulshada loogu geestay.

Gabadhan la ilmo adeer ah Priyanka Chopra waxay baraha bulshada ku qabatay barnaamij si toos ah taageerayaasheeda su’aalo ugu weydiinayaan waxaana ka mid ahaa su’aalaha la weydiiyay inay dadka la wadaagto atooraha Koonfur Hindiya ay ka taageerto waxayna ku jawaabtay “Mahesh Babu” Sidoo kale qofkale ayaa weydiiyay haddii ay taageero u tahay Jr. NTR waxayna ugu jawaabtay “Ma aqaan NTR sidoo kalena taageero uma ihi!”

Wixii markaas ka dambeeyay weerar waali ah ayay taageerayaasha NTR kusoo qaadeen Meera Chopra ayagoo aflagaado tii ugu darneed u geesteen waxayna ugu hanjabeen inay kufsanayaan sidoo kalena diliyaan xitaa wajigeeda sawir ahaan waxay dul saareen kuwa aflaanta anshax xumada ah sameeyo sidoo kalena gabadhan waxay booliska la wadaagtay in 30,000 fariimo aflagaado ah loo soo diray iyo hanjabaad iyada iyo qoyskeeda isugu jiraan ah.

Booliska waxay sheegeen inay baaritaan ku sameenayaan fariimaha Meera Chopra loo soo diray iyadana waxay atirishada sheegtay inay xur tahay fikirkeedana banaanka soo dhigi karto waxayna ku tilmaantay arin nasiib daro ah xiligaan dadka hormareen in weerar noocaas ah loo geesto kuna noqotay arin la yaab ah in fikirkeeda lagu caburiyay.

Meera Chopra waa atirisho filimada Bollywood-ka iyo kuwa Koonfur Hindiya kasoo muuqato waxayna dhanka Bollywood-ka kusoo caan baxday filimkii 1920 London ee cabsida badnaa lana daawaday 2016 kadibna waxay sameesay filimkiisa Section 375 ee fariintiisii sanadka hore la wada amaanay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here