Atirishada Rakul Preet Singh Oo Ka Shalaayneysa Inee Qeyb Ka Noqon Weysay Filmka MS.Dhoni!

Atirishada Rakul Preet Singh waa mid kamid ah atirishooyinka ugu soo jiidashada badan India waxayna ka shaqeysay shirkadaha kala duwan Bollywood, Tamil iyo Telugu.

Waxaan wada ognahay dhamaantena in filmka MS Dhoni ay wada hogaamiyen xidigaha kala ah Sushanta Singh Rajput iyo Disha Patani balse ma ogtahay dooqa kowaad ee atirishada filmkaas inee ahed Rakul Preet Singh?

Rakul ayaa arinkaan inoo sharxeysa,”Waxaa la iiso bandhigay inaan door ku lahaado filmka MS Dhoni qaasatan doorka Disha Patani balse nasiib xumo doorkas ma calfanin sababto ah xiligaas filmo kale ayaan duubayey waana sababta aan filmkaan fursad ugu waayey.”

“Balse mudo kadib waxaa la iiso bandhigay inaan qeyb ka qaato filmka Aiyaary durba waan saxixday sababto ah mudane Neeraj waa mid kamid ah filmsameyaalka aan heysano kuwa ugu wanaagsan sido kale ma dooneyn hadii filmkiisa MS Dhoni an sameyn waayey in markale Aiyaary iga fagot.”

Waxaa wax laga weydiyay doorka ay kujileyso filmka Aiyaary waxay tiri xidigtaan oo hadleysa,” waxaan ku jilaa gabar si wanaagsan u taqanaa Programs-ka Computerka (Software Engineer) sido kalena jabsashada ACCOUNTS-kana taqaano.”