Atirishada awooda badan ee Koonfur Hindiya ku faanaan Sai Pallavi ayaa ka hadashay sababta aysan wax Makeup ah u marsanin marka ay aflaanta sameeneyso waxayna gabadhan ku caan baxday in wajigeeda labada daan dhibco calaamado ah ku leedahay inta badana filim soo sarayaasha dhahaan Makeup marso si aad u qarisid balse wey ku gacan seertaa.

Sai Pallavi oo haatan Tamil, Telugu iyo Malayalam siweyn kaga dhex muuqato waxay tiri “Marnaba kuma fikirin inaan wajigeyga Makeup marsado waxaan ogaaday si dabiici ah inaan u ekaado ku qurux badanahay madaama aan isku kalsoonahay wey dhacday bilawgii waayaheyga fanka in filim soo saarayaasha igu cadaadin jireen inaan qariyo dhibcaha ama sumada aan labada daan ku leeyahay balse waan diidi jiray.”

“Waxaan ku faraxsanahay in daawadayaasha igu aqbaleen wajigeyga dabiiciga ah sidaa darteed awooda aan heesto waa daawadayaasha oo sidaan dabiiciga ah igu aqbaleen haatana marka aan filimada duubayo filim soo saarayaasha maba isku mashquuliyaan muuqaalkeyga waayo waxay og yihiin xirfada aan leeyahay inay daawadayaasha igu rabaan oo aysan dhal dhalaal igu rabin.”

Sai Pallavi waxay aqoonsi weyn ku heshay filimkeedii Premam ee Malayalam-ka ahaa 2015 la daawaday waxayna ku qaadatay abaal marinta Filmfare Awards qaybta Koonfur Hindiya atirishada ugu wanaagsan sidoo kalena mar labaad isla biladan waxay ku qaadatay doorkeedii hirgalay filimka Fida ee Telugu ahaa 2017 la daawaday waxayna isla jileen Varun Tej.

Sai Pallavi filimkeedii ugu dambeeyay wuxuu ahaa mashruucii NGK ee Tamil-ka ahaa oo ay la sameesay Superstar Suriya iyo Rakul Pureet Singh waxaana xusid mudan in gabadhan dhaqtarad tahay marka laga soo tago xirfadeeda filim jilista.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here