Home » Nolosha Jilaayaasha » Atirishada Sonam Kapoor Maxay Katiri Iskudhaca Filmada Padman Iyo Padmaavat?

Atirishada Sonam Kapoor Maxay Katiri Iskudhaca Filmada Padman Iyo Padmaavat?

Filmka Padman waxaa hogaamiyaal ka ah Akshay Kumar, Sonam Kapoor iyo Radhika Apte waxaana la sheegay in la daawan doono 25 bishaan Jan isagoo ku dhici doono filmka Padmaavat ee Deepika Padukone hogaamiyaha ka tahay.

Hadaba Sonam Kapoor oo filmkaan wax ka jileyso ayaa saxaafada weydisay iskudhaca labadaan film sida ay u arago fikirk ahaan Sonam ayaa ku jawaabtay sida tan.

“Ani ahaan ilaa iyo hada war xaqiiq ah kama aanan helin kooxda Padmaavat in filmkooda 25 Jan la daawan doono xitaa mudane Bhansali (Sanjay Leela Bhansali Director-ka Padmaavat) arinkaan kama uusan dhawaajin in filmkaan la daawan doono 25 Jan marka ilaa arinkaas xaqiiqa ka noqoneyso waxaan ka dhaho meesha mayaalan.”

Sonam ayaa cadeysay in 25 Jan la daawan doono Padmaavat uusan aheyn gabi ahaanba arin xaqiiqa ah oo kooxda Padmaavat laga heynin warkaas sida aawged taagerayasha Akshay Kumar neef ayaa kasoo fuqday markee maqleen warkaan maadama Padmaavat uu yahay film dhib weyn dusha ku wata caqabado badana daba taagan yihiin.