Tamannaah Bhatia waxay ka mid tahay atirishooyinka Bollywood-ka iyo Koonfur Hindiya sida joogtada ah kaga dhex muuqdaan kuna caan baxday la shaqeynta atoorayaasha kala duwan balse gabadhan waxay dib u gocotay xiligii ay Bollywood-ka kusoo biirtay 7-sano ka hor iyo fashilkii cuslaa oo ay la kulantay.

Tamannaah labadeedii filim Bollywood-ka ahaayeen Himmatwala & Humshakals waxay ka noqdeen kuwo ganacsi ahaan guul dareestaan sidoo kalena sheeko ahaan aad loo dhaliilay waxayna sheegtay inay ku dhawaatay niyad jabkii ay la kulantay awgeed inaysan mar dambe Bollywood-ka usoo laabanin ileen sanadii 2005 ayadoo gabbar yar ah filimkeedii kowaad Bollywood ahaa Chand Sa Roshan Chehra wuu ka bur buray kadib Koonfur Hindiya ayay magac ku sameesay.

Xidigtan waxay tiri “Mararka qaar waxaa jirto xili aadan guuldarada xamili karin waayo 7-sano ka hor filimadii waa weynaa ee Bollywood-ka i siiyeen sida Himmatwala & Humshakals ganacsi ahaan kaliya ma guul dareesanin sheeko ahaana siweyn ayaa loo liiday taasina waxay igu qasabtay inaan niyad jabo oo aan ku fikiro Bollywood-ka dambe inaan kusoo laabanin.”

Tamannaah oo ah gabbar adkeysi badan waxay tiri “Balse dadaalkeyga ayaan sii laba laabay waxaana dareemay guuldarada inaan ka kaban karo haatana waxaan ka mid ah atirishooyinka shirkadaha Koonfur Hindiya iyo Bollywood-ka ka jiraan doon doonaan marwalbo waxaana kusoo gaaray heerkan dul qaadkeyga.”

Tamannaah Bhatia filimkeeda xiga ee Bollywood ah waxaa lagu magacaabaa Bole Chudiyan waxayna la jileysaa Nawazuddin Siddique waxayna ka dhawaajisay in mashruucan la daawan doono marka xaalada caadi kusoo laabato oo Hindiya bandowga ka baxaan. Sidoo kalena waxay duubis ku waday inta aan bandowga la galin filimka Telugu ah ee lagu magacaabo Seetimaarr oo ay la jileyso atooraha lagu magacaabo Gopichand.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here