Alba Flores waa atirisho Spanish ah kuna caan baxday sameynta taxanaha hirgalay Money Heist ee afarta xili ama 4 Season kala duwan laga sameeyay sidoo kalena waxay ka mid tahay atirishooyinka ama jilaayaasha qaarada Yurub ugu saameynta badan ayaa sameeneyso ciwaan aan ahayn musal salka ay ku caan baxday.

Alba Flores waxay sheegtay inay waligeed ahaan jirtay gabbar cunista hilibka ku waalan aadna uga heli jirtay hilibka noocyadiisa kala duwan balse haatan waxay sheegtay inay midaas ka tanaasushay kuna biirtay liiska dadka ku caan baxeen cunista qudaarta hadda kadibna hilib aysan cuni doonin.

Nairoib ama Alba Flores waxay tiri “Waxaan bilaabay cunista qudaarta waxaana ka helay caafimaad markii aan hilibka iska dhaafay sidoo kalena xeywaanka aan dilno si aan u cunno waxaaba ka wanaagsan inaan nabad galino kadibna qudaarta noocyadeeda kala duwan saaxiib ka dhigano.”

Alba Flores oo 33-jir ah haatan waxay ku biirtay ururka u doodaan xuquuqda xeywaanaadka dadkana ku booriyaan inay qudaarta noocyadeeda kala duwan waxayna atirishadan sheegtay inay kaalinteeda qaadan doonto si ay wacyi galin kala duwan uga sameyso adeegsiga qudaarta inay heer sare tahay lagana leexdo xeywaanaadka kala duwan ee badda iyo barriga ku jiraa ee dadka ugaarsadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here