Waxaan dhawaan idinla wadaagnay atooraha Koonfur Hindiya iyo Bollywood-ka la shaqeeyo Rana Daggubati inu si rasmi ah ula aqal galay gabadha jaceylkiisa ahayd Miheeka Bajaj sidoo kalena baraha bulshada ayaa loogu hambaleeyay lamaanahan nolosha cusub ay wadaageen xili haatan Hindiya bandow ku jirto.

Balse atirishada reer Tamil Trisha oo awood ku leh fanka Koonfur Hindiya sidoo kalena Telugu la shaqeyso ayaa dareen ahaan is celin weesan in lamaanaheedii hore Rana uu aroos galay waxayna soo dhigtay baraha bulshada qoraal mal dahan laakiin ujeedkiisa ahaa in Trisha nolosheeda wax ka maqan yihiin marba haddii Rana guursaday!

Trisha qoraalka ay baraha bulshada soo dhigtay oo dadka ka yaabiyay balse markii dambe ay tirtay sidaan ayuu u qornaa “Dadka marwalbo jecel inay jaceylkoodii hore saaxiib ka dhigtaan ama is war hayaan waa kuwa ugu daran ee qalbi jabka iyo naxdinta dadka ku ridaan!”

Qoraalka Trisha mincahiisa waa mid muuqday waayo tan iyo markii ay Rana kala hareen waxay ahaayeen saaxiibo caadi ah oo shaqo wadaag ah sidaa darteed atirishadan waxay leedahay wax ka xanuun badan yahay saaxiibkaadii hore oo aad hadda caadi u wada xariirtaan in aqbaarta aroorkiisa aad maqashid waa mid ku dhawaaceyso qalbi ahaan!

Inkastoo Trisha qoraalkan ay tirtay haddana waxaa cadaatay in xidigtan awooda badan weli qalbigeeda Rana Daggubati ku weyn yahay, hadda ka horna barnaamijka Kofee With Karan ayay ku sheegtay in aduunka ay Rana ugu jecleed markii ay kala hareena wax badan nolosheeda ka bur buray. Weliba Karan barnaamijkiisa labadooda ayuu ku casuumay sanadii 2018 xili ay banaanka soo dhigeen 10-sano inay saaxiibo ahaayeen balse markii dambe kala hareen arimo iyaga u gaar ah awgeed oo aysan banaanka soo dhigeyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here