Atirishadi Hore Meenakshi Seshatri Oo Ka Hadashay Geerida Sridevi iyo Sida Ay Oga Xuntahay!

Atirishadii hore ee Meenakshi Seshatri ayaa si qiiro leh oga hadashay geerida ku timid Sridevi ayadoo wareysi dhowaan bixisay sheegtayna dareenkeda sida uu noqday marke hadalkaan maqashay.

Meenakshi waa atirishadii kujirtay filmkii Ghayal ee Sunny Deol hogaamiyaha ka ahaa waxayna kamid ahed atirishooyinki dhamaadkii 80kii iyo bilawgii 90kii ugu guulaha badnaa waxanaa in badan laga xasuusan doona bandhigeda taariikhiga ahaa ee filmka Damini.

Meenakshi iyo Sridevi waxay wada sameyeen filmkii joshilay ee la daawaday sanadkii 1989 sido kalena ay atoorayaal ka ahaayen Sunny Deol iyo Anil Kapoor.

Waxay tiri Meenakshi oo hadleysa,”aniga iyo Sridevi ma ahen laba qof oo saaxibo aad isugu dhow ah balse waxaan ahen dad shaqo saaxiib ku ah sido kalena taagero ayaan u ahaan jiray waana ka naxay markaan maqlay geerida Sridevi.”

“Kaliya fanka ahaan ogama nixin ee taagero aan u ahay iyo bini’aadanimo ayaan oga naxay waxay ahed shaqsi intaan bartay kuwoodi ugu wanaagsana aye kamid ahed waxaan weynay mid kamid ah halyeeyda India.”