Home » Nolosha Jilaayaasha » Atirishadii Koonfured Ee Muuqeda La Waayey Rambha Ayaa La Shaaciyay Iney Uur Leedahay!!

Atirishadii Koonfured Ee Muuqeda La Waayey Rambha Ayaa La Shaaciyay Iney Uur Leedahay!!

Rambha waa atirisho caan ah oo wax ka jishay aflaamta Bollywoodka, Telugu iyo Tamil waxayna kasoo muuqatay filmo caan ah sida Qahar, Jaani Dushman, Krodh, Judwaa, Jung iyo kuwa kale.

Atirishadan waxay guursatay sanadkii 2010 ninka ganacsadaha ah ee lagu magacaabo Indran Pathmanathn sido kalen Canada aye dagtay ayadoo film jilista iska dhaaftay.

Ayadoo baraha bulshada ku shaacineyso uurkeda waxay tiri,”Waxaan jecleestay inaan idiinla wadaago farxada qoyskeyga kusoo siyaaday taaso ah inaan sugeyno ilmaheena sedexaad oo goor dhow qoyska kusoo biiri doono waan idin jeclahay dhamaan taagero iyo asaxaab sidaad uwada dhantihiinba waxaan idinka rajeynaa inaad iiso duceysaan aniga iyo qoyskeygaba.”

Rambha waxay horey u dhashay 2 gabdhood oo lagu kala magacaabo Lanya iyo Sash waxayna kala dhashteen Lanya oo dhalatay 2011 iyo Sash oo dhalatay 2014.