Atirishada lagu magacaabo Bhagyashree waxay magac iyo caanimo ka dhaxashay filimkii All Time Blockbuster-ka noqday ee jaceylka Classic ahaa Main Pyaar Kiya sanadii 1989 la daawaday waxayna la jishay Salman Khan. Kadibna si dhaqsi ah ayay filim jilista isaga dhaaftay ayadoo reer yeelatay arimaha fankana banaanka ka istaagtay.

Haatan waxaa la ogaaday in Bhagyashree shaashada dib ugu soo laaban doonto waxayna filim la sameyn doonaa Superstar-ka reer Telugu Prabhas waxayna sheegtay inay ka heshay doorka mashruucan looga soo bandhigay sidoo kalena filim kalena sheekadiisa waa lala wadaagay balse weli midkaas ma aysan saxiixanin.

Filimkan waa midka 21-aad ee Prabhas sameeyo waxaana lagu daawan doonaa 5-luqadood waxaana Director ka ah Nag Ashwin asigoo miisaaniyad xoogan xambaarsan duubisna lagu bilaabi doono dabyaaqada sanadkan waxaana la daawan doonaa dhamaadka dambe dambe.

Bhagyashree haatan waa 51-jir waxayna u dhaxdaa ganacsadaha lagu magacaabo Himalaya Dasani kaasi oo guursaday xidigtan sanadii 1990 waxayna hooyo u tahay labo caruur ah Abhimanyu Dasani oo sanadkii hore kusoo caan baxay filimka Mard Ko Dard Nahi Hota iyo gabbar lagu magacaabo Avantika Dasani oo aan weli Bollywood-ka kusoo biirin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here