Atirishooyinka Bollywoodka Ee Dagaalka Ka Dhaxeeyo Yaa Isku Gacan Qaaday Yaase Afka Ka Murmay Qeybtii 3-aad!!

Catfights-ka waa wax caan ka ah oo aan qarsooneen dhanka Bollywoodka jiilba jiilka ka dambeeya atirishooyinka Bollywoodka xurguf ama dagaal ayaa dhexmara oo dadka arimaha Bollywoodka la socdaan arinkaas had iyo jeer gaaro.

Dagaalkan dhexmara atirishooyinka Bollywoodka dhowr arimood ayaa usabab ah sida guulaha aflaamtoda oo ay ku loolaman saasna isku nacaan, kuwa iskood isku neceb dabeecad ahaan, kuwa qurux ahaan tartan ka dhaxeyo oo is neceb, kuwa mushaarka ku tartamaan, kuwa Fashion-ka ku tartamaan, kuwa shacbiyad badnaanshaha ku tartamaan iyo meelo kale ayee naceebkoda kasoo bilawda oo ay ku tartamnaan.

Balse waxaa jiro intaas wax ka weyn oo ay isku nacaan khilaafkoda ugu badan ka bilaawdo wax kalena ma ahan waa labo atirisho ooh al nin isku heestaan hal nina ayaa ka dhaxeya oo xiriir la leeyihiin ama la lahaadeen xiliyo kala duwn taaso kaliftay in ay is nacaan atirishooyinkan amaba isku dhacaan.

Halkaan hoose kaga bogo atirishooyinka Bollywoodka ee xurgufta hada kahor soo dhexmartay kuwoodi hore iyo kuwa dambeba waana qeybta sedexaad ee maqaalkeena…

Bipasha Basu Iyo Deepika Padukone:

Dirtiest Cat Fights Of Bollywood Actresses From Deepika To Katrina And Priyanka To Kareena 8

Xurgufta dhexmartay labadaan atirisho waxaa usabab ah jilaaga Ranbir Kapoor waaxaana la sheega in khilaaf kud hexmaray intii ay duubayeen filmkii Bachna Ae Haseeno.

Inaba caadi ma aha sida Bipasha mashruucan jir ahaan usoo jiidasho badantahay iyada iyo Ranbir iskusoo dhowaansho weyn ayee sameyeen intii ay duubayeen filmkaan taaso ay ka maseertay Deepika maadama xiligaas xiriirka Ranbir iyo Deepika lawada ogaa caana ahaa sidaa aawged Deepika waxay Bipasha kudarty liiska atirishooyinka ay isku dhacsanyihiin waliba waxay sii xanaaqday marki Ranbir uu Bipasha ku qeexay gabadha ugu soo jiidashada badan Bollywoodka.

Rekha Iyo Jaya Bachchan:

Atirishooyinkan bari samaadkii ayuu dagaal ka dhaxeyay iyagoo markii hore dhanka shaqada is necbaayeen ayaa hadan Amitabh Bachchan dartiisa dagaalkooda usii weynaaday waxayna sheekadan bilaawatay dhamaadkii 70-kii ilaa 80-maadkii odhan ayee socotay xiligaaso Big B aad loogu xaman jiray inuu xiriir hoose la leeyahay Rekha.

Rekha iyo Big B xiriirkoda caalamka ayuu ku baahay midaasna waxay ka maseersiisay Jaya Bachchan oo ahed xaaska Big B caruurna u heysay Rekha iyo Jaya aduunka ayee isugu necbaayen waxaana la sheega ilaa hada in aysan isku fiicneen wax wada hadal ahna dhexmarin.

Kareena Kapoor Iyo Bipasha Basu:

Dirtiest Cat Fights Of Bollywood Actresses From Deepika To Katrina And Priyanka To Kareena 10

Khilaafka atirishooyinka sanadkii 2001 ayuu bilaawday markii ay sameenayeen filmkii Ajnabee xiligaaso labadoodaba ay fanka kucusbaayeen Kareena ayaa ka xanaaqday markii Bipasha isticmaashay shaqaalaha Kareena dhanka Make-up-ka u qaabilsanaayen iyadoo wax fasax ah laga qaadanin.

Kareena markii horeba wey necbed Bipasha hadana amar la’aan in shaqaalaheda la adeegsado waa mid ka careesiisay sidaas ayuuna khilaafkoda ku bilaawday dhowr jeer ayee saxaafada hortooda midba mida kale hadal baaq oo xumaan ah u dirtay ilaa hadana iskuma wanaagsana atirishooyinkan.

Lasoco Qeybta Dambe Sonakshi, Zareen Khan, Madhuri-Sridevi iyo kuwa kale…

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*