Waxaan halkaan kusoo bandhigeynaa 8-Atoore taariikh ahaan tirada ugu badan ku guuleysteen abaal marinta ugu caansan ee shirkad bixiso taaso la gudoonsiiyo atoorayaasha Fanka hindiya ee loo yaqaan Filimfare Best Actor.

8 wey ka badan yihiin tiro ahaan inta ku guuleysataya abaal marintaan balse waxaan ka hadleena waa jilayaasha tirada ugu badan ku guuleysteen waxaana xusid mudan in lambar 3 ku egyihiin oo atoorihii 2-jeer iyo wixii ka hooseyo ku guuleystay lama soo qaadsn waayo liiska ayaa sii dheeraanaayo.

Dilip Kumar iyo Shah Rukh Khan ayaa ilaa hada ah kuwa tirada ugu badan ku guuleysteen bal hoos kaga bogo 8-Atoore iyo mid walba tirada uu ku guuleystay.

1-Dilip Kumar: 8-jeer ayuu ku guuleystay intii u dhaxeysay (50-maadkii ilaa 80-maadkii).

2-Shah Rukh Khan: 8-jeer ayuu ku guuleytay intii udhaxeysay 1993-2010.

3-Amitabh Bachchan: 5-jeer ayuu ku guuleystay intii u dhaxeysay 1978-2009.

4-Hrithik Roshan: 4-jeer ayuu ku guuleystay intii udhaxeysay 2000-2008.

5-Rajesh Khana: 3-jeer ayuu ku guuleystay intii udhaxeysay 1970-1974.

6-Naseeruddin Shah: 3-jeer ayuu ku guuleystay intii udhaxeysay 1980-1983.

7-Aamir Khan: 3-jeer ayuu ku guuleystay intii u dhaxeysay 1996-2016.

8-Ranbir Kapoor: 3-jeer ayuu ku guuleystay intii udhaxeysay 2011-2018.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here