Atooraha American-ka Ah Verne Troyer Ayaa Geeriyoday Isagoo 49 Sano jiro!!

Atooraha Hollywoodka ah ee lagu magacaabo Verne Troyer ayaa geeriyoday sida qoyskiisa baraha bulshada ku shaaciyen balse ilaa hada geeridiisa waxaa sababay daaha lagama qaadin.

Atoorahan ayaa caan ku ahaa dhanka madadaalada ama shactirada sido kalena waa nin gaaban oo dhirirkiisu yahay 2 Feet iyo 8 Inches (81 cm).

Waxaaa loo badinayaa inuu is dilay ama is daldalay hase ahaate sharaxaada oo dhamestiran gadaal ayaa laga heli doona waxuuna jiray atoorahan ama ku geeriyoday isagoo 49 sano jir ah xili shalay gurigiisa uu ku nafbaxay (21 April).

Waxaan sugnaaba waa waxa kalifay geeridiisay inuu is dilay iyo in uu xanuun u geeriyoodayba saxaafada Hollywoodka ayaa midaas ka war dhooreysa.