Murli Sharma wuxuu ka mid yahay atoorayaasha ama jilaayaasha fanka Hindiya heestaan ee Bollywood-ka iyo Koonfur Hindiya ka dhex muuqdo sidoo kalena sameeyo aflaan caan ah asigoo doorar saameyn leh ka qaato balse markaan aqbaar aan wanaagsaneyn ayaan idin kaga heynaa.

Murli Sharma ayaa si rasmi ah shaaca kaga qaaday hooyadiis lagu magacaabo Padma Sharma inay geeriyootay ayadoo 76-jir ah waxayna u geeriyootay dhanka wadna xanuunka ah ayadoo Mumbai ku sugneed.

Murli Sharma dhawaanahan murugta daris ayay la tahay sababtoo ah sanadkii hore aabihiis Vrijbhushan Sharma ayaa geeriyooday sidaa darteed jilaagan door kasto sameyn karo xaalad wanaagsan kuma sugno madaama labadiisa waalid uu waayay waqti isku dhow.

Murl Sharma waxaa u dhaxdo atirishada lagu magacaabo Ashwini Kalsekar sidoo kalena labo wiil ayaa la dhasheen atooraha ku caan baxay sameynta filimada Singham, Golmaal 3, Main Hoo Na, Dabangg, Saaho iyo filimo kale waxaana xusid mudan filimkiisii uu bilawgii sanadkan ku matalay Allu Arjun aabihiis Ala Vaikunthapurramloo inuu All Time Blockbuster noqday isagana doorkiisii siweyn loogu amaanay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here