Saacado kahor waxaan idiin la wadaagnay geerida jilaaga Tv-yada ka shaqeyn jiray ee Sameer Sharma kaaso la sheegay in meedkiisa laga helay gurigiisa isagoo xarig ka raa raco booliska ayaana oga shakisan inuu qaab shil ah u geeriyooday halka dadka labo u qeybsameen kuwa dhaheen waa la dilay iyo kuwa kale oo wuu is dilay dhaheen.

Sikastee ahaataba warka cusub ee soo baxay ayaan ukala qaadeynaa labo qodob mida kowaad wareysigii uu bixiyay Sameer saaxiibkiis Avinsha Sachdev iyo waxa uu ku sheegay hoos kaga bogo kahor inta aynan gelin qodobka labaad.

“Sameer aqoon fiican ayaan u lahaa markii u dambesay ee aan wada hadalnay waxay ahed 22-July waxuu ahaa qof iska faraxsan kamana muuqan wax murugo gaar ah isagana iima uusan sheegan dhibkiisa gaarka ah balse waxuu ahaa qof marwalba kasoo horjeeday talaadaba is-dilka ah.”

“Waxaan xusuustaa sida uu oga xumaa is dilka Sushant marar badan ayuuna dadka ka waaniyay talaabadaas xun inee qaadaan waxuuna dhihi jiray is dilka xal ma ahan sido kale waxuu rabay dunida Digital-ka inuu kusoo biro goordhowna halkaas ka howl galo.”

“Macquul ilama ahan inuu Sameer is dilay waayo shalay ayuu dadka ka waaninaayey ineysan is dilin geerida Sushant na si adag ayuu oga hadlay waan yaabanahay naxdin ayeena ila tahay in Sameer is dilay wixiisa jiro wey soo bixi doonaan.”

Qodobka labaad waxuu yahay dad gaar ah oo kiiskii Sushant in badan ka doodayeen misane aaminsanaayen in Sushant la dilay ayaa sido kale baraha bulshada fikirkooda kusoo gudbiyeen iyagoo dhaheen Sameer waa la dilay. Waxaa la sheegay in Sameer si adag oga hadlay kiiska Sushant markee baarayeen booliska Mumbai dad qaar ayaana kushakisan in Sameer dileen isla dadkii Sushant dileen sabab la xariirta inuu qorshahooda wax ka fahmay kiiska Sameer wali ma xirmin meedkiisa ayaana baaritaan ku socdo jawaabta kasoo baxda waan idiin soo gudbin doonaa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here