Home » Wararka Maanta » Atooraha Shahid Kapoor Maxuu Ka Yiri Filimka Padmavati Mar Wax Laga Wey Diiyay!!

Atooraha Shahid Kapoor Maxuu Ka Yiri Filimka Padmavati Mar Wax Laga Wey Diiyay!!

Filimka Padmavati wuxuu soo maray dhibaatoyin kala duwan inta lagu guda jiro duubistiisa waayo filimkaan dib udhaca ayaa marwalba ku yimaada taaso ay kalifto dhibaatoyin qabsada sida goobaha lagu duubayo.

Hadaba Shahid Kapoor ayaa wareysi dheer lala yeeshtay waxaana  wax laga weydiyay caqabadaha qabsada filimkaan.

Sido kale suaalihii  laweydiyay waxaa kamid ahaa in muuqalad qaar ee filimkaan la bedelay oo wax isbedel ah lagu sameyay xidigaan oo ka jawaabaya wuxu yiri,

“maba jiraan gabi ahaanba muuqalo aan duubay oo gadaal laga bedelay, dhamaan muuqalada duubay waa kuwa aanan la bedelin oo sidoodii ah.”

“sikastoo ay ujiraan hadalo dadka kasoo yeera balse hadaladaas waa kuwa la is moodsiyo oo xaqiiq ma ahan waayo dadka ayaa sidaa u qaatay in filimkaan waxyaabo badan oo bedelid u baahan ay jiraan.”

“ waxaana halkaan ka cadeynayaa in waxyaabahas oodhan aysan jirin in wax laga jaray ama laga bedelay filimkaan, waa hubaal waana rajeynaa in filimkaan si niyad ah iyo si loogu talo galayaba ay aad u wanaagsanyihiin daawadayaashana ay aad oga heli doonana.”

Filimka Padmavati waxaa Director ka ah Sanjay Leela Bhansali halka ay hogaamiyaal ka yihiin Deepika Padukone, Shahid kapoor iyo waliba Ranveer Singh qorshahana waa in la daawado 1 Dec ee sanadkaan 2017.

2 Responses to Atooraha Shahid Kapoor Maxuu Ka Yiri Filimka Padmavati Mar Wax Laga Wey Diiyay!!

  1. Mahad

    October 16, 2017 at 10:20 pm

    sxp adoo raaliye dalab ayaan kaa rabnaa yar marka xageen kuu soo dhigaa codsigaanaga adoo mahadsan

    • Zakarie Abdi

      October 16, 2017 at 10:25 pm

      Facebook page-keena fariin/msg noogu soo dir.