Hollywood Star Dwayne Johnson xili murugo ayuu ku jiraa kadib markii uu shaaca ka qaaday aabihiis Rocky Johnson inuu geeriyooday asigoo 75-jir ah waana aqbaaraadka ugu waa weyn ee gudaha Hollywood-ka ka jiro sidoo kalena shabakadaha aflaanta caalamka hadal hayaan tacsida u taalo The Rock.

The Rock aabihiis Rocky Johnson magaciisa dhabta ah Wayde Bowles wuxuuna ahaan jiray cayaaryahan musaaracada gaar ahaan WWW cayaari jiray aadna looga dambeyn jiray waxaana loogu yeeri jiray Soulman wuxuuna lagdanka ama musaaracada cayaaristeeda bilaabay 60-maadkii wuxuuna ka tirsanaan jiray shirkada National Wrestling Alliance kadibna sanadii 1983 wuxuu kusoo biiray shirkada musaaricada ugu awooda badan World Wrestling Entertainment (WWE) sanadii 1983 mudo dheer ayuuna ka tirsanaa.

Rocky Johnson markii uu WWE ka fariistay wuxuu noqday tababare soo saaray wiilkiisa The Rock oo tababar adag siin jiray kana dhigay mid looga dambeeyo WWE balse haatan ifka wuu ka tagay Rocky Johnson sida uu shaaca ka qaaday wiilkiisii The Rock waxaana tacsi kala duwan u direen qaar ka mid ah jilaayaasha caalamka ugu caansan.

Dawyne Johnson oo ku caan baxay magaca The Rock haatan waa atooraha ugu awooda badan Bollywood-ka madaama dhawaan shaaca ka qaaday inuu yahay atooraha caalamka mushaarka ugu badan aflaanta ku sameeyo wuxuuna kasbaday sanadkii hore $89.4m dhawaana filimkiisa ugu dambeeyay Jumanji: The Next Level wuxuu ganacsi ahaan soo xareeyay $673m ganacsigiisa diba diyo dal la isku daray sidoo kalena The Rock haatan wuxuu ku mashquulsan yahay duubista filimkiisa xiga Black Adam ee uu laadar awood badan ku jilaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here