bollywoodka hadad joogto waxaan caadaysanaysaa shayga la yaabka la yiraahdo madaana markasta waxaa halkaas ka dhaca arrimo ka yaabinaya iyadoo aktar walba uu jecel yahay in aflaamtiisa ay u guuleystaan

taasina waxaa u dheer xifaaltan uu la galo aktarada asaagiisa ah waxaana dhacda in aktar ay uu la dagaalo aktar kale iyagoo is af-gaarin taaso dagaalka dhalisay saxaafada waxaana dhacda inaysan mar dambe isla shaqaynin

Iyadoo dadka qaar ay aaminsan yihiin in aktarada aan sla shaqaynin iyagoo isku xillinah inuu dagaal  ka dhaxeeyo sida akshay kumar iyo rani mukerji laakiin midaas maahan xaqiiqda waxaana laga yaaba inay heli waayeen fursad ay iskula shaqeeyaan laakiin waxaa jira aktaro is necban kuwaaso aan weligood filim wada sameenin

haddabe yaa  ka mid ah aktarada aan weligood isla shaqaynin

Salman khan iyo Juhi chawla

saxaafada iyo majaladaha hindiya ayaa qorayaan in labadan aktar markii hore wada shaqyn dhex-mari rabtay iyadoo sanadkii  1992 Juhi chawla ay saxiixatay filimkan uu hogaamiye ka yahay aktarka Sunny doel waxaana lagu magacaabo Looterey 

Juhi markay ogaatay in filimkan qayb ka yahay aktarka Salman khan oo xiligaas uusan lahayn magac weyn ayaa Juhi chawla shuruud ku xirtay kooxda filimkaas taaso in Salman khan uusan ku haboonayn sheekada filimka sidaas darteed waa in laga saara

ka dib 7 sano Salman ayaa waxa uu noqday aktar caan ah waxaana la sheegay in xiligaaas uu iska diiday dhawr aflaam oo atariisho ka noqon lahayd Juhi Chawla labdan xidig weligood shaqo maysan dhax-marin

Suniel shetty iyo Mandhuri dixit

weli lama oga sababta aysan iskula shaqaynin labadan aktar waxaana laga yaaba in fursad ay isku heli waayeen

Govinda iyo Pooja bhatt

Govinda ayaa lasoo shaqeeyay atariishooyin ugu badan xiligii 90s  laakiin weli muusan la shaqaynin atariishada Pooja bhatt taaso ah walaasha ka weyn atariishada Alia bhatt

Amir khan iyo Sridevi

mar ayuu ku dhawaaday inuu la shaqeeyo atariishada ka dib markii amir u saxiixday filim lagu magacaabo Isi Ka Naam Zindagi kaaso la daawaday  bilowga 90s waxaana filim soo saarayaasha filimkaas ay doonayeen in Sridevi ay hogaamiye kaga dhigaan filimkaas

laakiin uma aysan u suurta gelin waxaana lagu badalay atariishada lagu magacaabo Farah Naaz

Shah Rukh Khan iyo Mamta kulkarni

miyee jirtaa filim ay iskala soo muuqdayn? haa waana filimka Karan Arjun laakiin mamta waxa ay filimkaas jaceyl kula wadaagaysaa aktarka Salman khan weligoodna maysan iskala soo muuqan hal filim oo ay isla hogaaminayaan

Akshay kumar iyo Rani mukerji

midaan waaa dhacdo la yaab ah sababtoo labadan aktar waxa ay ka mid yihiin aktarada loogu jecel yahay gudaha bollywoodka laakiin lala yaaban yahay sababta aysan weligood iskula shaqaynin laakiin midaas waxaa lagu saababayn karaa in nasiib ka uu kala diiday inay filim ku midoobaan

Amir khan iyo Aishwarya rai

tani waa mid kaloo la yaab ah madaama quruxleyda bollywoodka iyo mid ka mid ah aktarada ugu jilitaanka wanaagsan bollywoodka aysan wada shaqaynin iga raali ahaa way jirtaa muuqaal ay iskala soo muuqdayn laakiin waaa hadad daawatay filimkii Mela

kaaso la daawaday sanadkii 2000 weliba qaybta ugu dambaysa filimka waana markii aishwarya rai ay kasoo dhacayso baaburka korkiisa iyadoo markaas amirkhan Twinkle khan iyo Faisal khan ay wada saarnaayeen baaburka iyadoo noqonaysaa jaceylka Faisal khan

Vidya balan iyo sadexda khans

qof walba aya ku riyooda inuu mar uun shaashada horteeda la wadaago sadexda khans laakiin Vidya balan ayaa sheegtay in midaas xageeda ay caadi ka tahay ayna wax weyn u arkin inay la shaqayso sadexda khans v

Vidya kaliya hal hees ayay kala soo muuqatay Shah rukh khan waana heestii Mast kalandar ee ku jirtay filimkii Heyy babby

Ranbir Kapoor iyo Kangana ranaut

weli lama oga sababta ka dambeesay inay labadan xidig aysan filim isla samaynin laakiin mustaqbalka ayaa la rajeenaya inay mashruuc ku midoobaan

Hrithik roshan iyo Deepika padukone

midaas waa mid aan aniga si qaas ah u jeclahay inay labadan aktar mustqabalka mashruuc ku midoobaan laakiin ila hadda wax filim ah iskala aysan shaqaynin labadooda

1 COMMENT

  1. Salman khan iyo juhi chalwa waxay isla sameeyen filimka deewana mastana anil kapoor iyo govinda door yar kuleeyagay waana qofka guursanayo juhi chalwa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here