Bollywoodka waxaa kudhex jiraan atoorayaal muslimiin ah oo diinta islaamka inee heestaan sheegteen sido kalena kudhashteen muslimnimo maadama qoysaskooda asal ahaan muslimijn ahaayen.

Hadana saas ee tahay atoorayaashaas qaar kamid ah waxay guursadeen haween diinfa hinduga heestaan caruur ayeena udhaleen ilaa hadana wey la nool yihiin atoorihiu wuxuu rumeysanyahay Alle SWT oo towxiidkii inuu heesto ayuu sheegtay halka xaaskiisa sanamka caabudeyso diintii qoyskeeda ay kusoo koriyeena heysato.

Maqaalkaan waxaan idin ku bareynaa atoorayaashas iyo xaasaskooda inkastoo badankood aad taqaanan hadana si taxano ah maalinba qeyb ayaan idiin kula wadaageena.

Sohail Khan Iyo Seema Sachdev: 90-maadkii ayee is barteen Sohail waxaa dhalay Salim Khan waana walaalka kayar Salman Khan nin muslim ah oo qoys muslim kasoo jeeda ayuu ahaa sidaa aawged wuu la baxday gabadhaan markii Filimkiisa kowaad ee uu Director ka noqday Pyaar Kiya To Darna Kya waliba isla maalintii kowaad ee la daawanaayey maalmod kadib waa laso qabtay waana la isku nikaaxay iyadana diinteda hinduga ah ma aysan bedelin ilaa hada.

Imraan Khan iyo Avantika Malik: lamaanahan sanadkii 2011 ayee is guursadeen xili Imraan muslim yahay waana wiilka uu abtiga u yahay Aamir Khan halka Avantika diinteeda hinduga heysato.

Zayed Khan iyo Malaika Parekh: atoorahan waxaa dhalay jilaaga caanka ah ee Sanjay Khan waxuuna raacay wadadii ina adeerkiisa Fardeen Khan kaaso gabar hindu guursaday labada atoorana waa muslimiin balse Zayed dhib badan ayuu kala kulmay guurka gabadhaan ilaa yaraantiisa isku iskuulka ahaayen oo qoyskiisa ayaa ka diideen ugu dambeyn 2005 ayuu la aqal galay.

Fardeen Khan iyo Natasha: Fardeen waxaa dhalay Feroz Khan halka Sanjay Khan iyo Feroz Khan ay walaalo yihiin sidaa aawged Fardeen Khan iyo Zayed Khan waa ilmo adeero laxmi ah Fardeen ilaa yaraantiisa ayee is yaqaaneen Natasha laakiin guurka waxuu kaga dalbadau diyaarad dhexdeed iyagoo mareykanka ku wajahan hawadana kujiraan ayuu guur ka dalbaday markee mareykanka kasoo noqdeena London ayee isku guursadeen isla sanadkii 2005 ee Zayed Khan guursanaayey balse Fardeen ayaa horeeyay.

Irrfan Khan iyo Sutapa Sikdar: Irrfan dhankiisa waxuu guursaday gabar hindu ah xili isaga muslim yahay labo caruur ayeena u heysaa waxuuna gabadhaan u guursaday jaceyl uu uqabay tan iyo Class-ka kowaad ee iskuulka ayeee isla soo socdeen.

Lasoco Qeybta 3-aad….

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here