Bollywoodka waxaa kudhex jiraan atoorayaal muslimiin ah oo diinta islaamka inee heestaan sheegteen sido kalena kudhashteen muslimnimo maadama qoysaskooda asal ahaan muslimijn ahaayen.

Hadana saas ee tahay atoorayaashaas qaar kamid ah waxay guursadeen haween diinfa hinduga heestaan caruur ayeena udhaleen ilaa hadana wey la nool yihiin atoorihiu wuxuu rumeysanyahay Alle SWT oo towxiidkii inuu heesto ayuu sheegtay halka xaaskiisa sanamka caabudeyso diintii qoyskeeda ay kusoo koriyeena heysato.

Maqaalkaan waxaan idin ku bareynaa atoorayaashas iyo xaasaskooda inkastoo badankood aad taqaanan hadana si taxano ah maalinba qeyb ayaan idiin kula wadaageena.

1-Arbaaz Khan Iyo Malaika Arora: waxay udhashay hal wiil hader wey kala tageen, Arbaaz qoys muslim ah ayuu kasoo jeedaa waana nin diinta islaamka sheegtay laakiin 1998 markuu Malaika Arora guursanaayey wey diiday inee qaadato diinta islaamka sidaa aawged iyadoo hindu ah ayuu guursaday.

Bollywood: Muslim Actors - Hindu Wives

Mudo 20 sano ah oo ay wada noolaayen Malaiak dhaqankeeda iyo cibaadadeda hinduga ayee wadatay halka Arbaaz dhaqankiisa muslimnimo watay hadana waxay ahaayen lamaane wada nool oo dadka iska jecel.

2-Shah Rukh Khan Iyo Gauri Khan: xidigaan inuh muslim.yahay afkiisa ayuu ka cadeeyay sido kale waxuu sheegay inuu 5 waqti ee salaada tukado aabihisna muslim ayuu ahaa SRK bilawgii 90-maadkii wuxuu guursaday Gauri oo seddex caruura hader u heysa waligeedna dhaqanka hinduuga ayee wadatay caruurta dhaqan muslim iyo mid hindu labadana waa lagu soo koriyay sidaas ayeena ilaa hada kuwada nool yihiin.

Bollywood: Muslim Actors - Hindu Wives

3-Aamir Khan Iyo Reena Dutta/Kiran Rao: Waa jilaaga kowaad ee muslimnimadiisa shaki lagalin karin Aamir Khan sababto ah atoorayaasha kale waxuu kaga duwan yahay inee afka ka sheegteen diinta islaamka balse Aamir cibaadadisa xitaa wuu muujiyay.

Bollywood: Muslim Actors - Hindu Wives

Tiro labo jeer ah ayuu xajka tagay marna isagaa waajibaadka xajka iyo cumrada soo gutay marna hooyadiis ayuu waday laakiin xidigaan xaaskiisa hore ee Reena iyo mida hada u joogto ee Kiran ladhaho labadaba muslimiin ma ahan diinra hinduga ayee heestaan go’aankaas ayeena ku adkeesten sidaas ayuuna caruur kaga dhalay.

4-Saif Ali Khan Iyo Kareena Kapoor: waa mid kamid ah atoorayaasha diinta islaamka heestaan mida kowaad Reer Khan oo dhan muslimiin ayee u badsn yihiin mida labaadna Saif qoyskiisa muslimiin waaye waxuuna jilaagan guursadat atiriishada Kareena Kapoor oo diinta hinduga heysata.

Bollywood: Muslim Actors - Hindu Wives

Mar ayaa la isla dhexmaray in Bebo diinta seygeeda qaadatay laakiin baaritas dheer kadib marnaba ma aysan bedelin diinta aabahed kusoo koriyay sidaas aytahay wey tixgalisa diinta islaamka ee seygeeda heesto.

Mar la weydiiyay dhanka ay raacday magacyada Khan iyo Kapoor maadama Kapoor-nimo kudhalatay (diinta hinduga) Khan-na uu guursaday (nin muslim ah) waxay ku jawaabtay labada magacba inee isla wadato oo ladhaho Kareena Kapoor Khan waxayna ula jeeda inee labada diimood isku mid uqadariso.

Lasoco Qeybta Labaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here