Atoorayaasha Bollywoodka 90-kii La Daawan Jiray Saaxada Ka Dhaceen Iyo Muuqaalkoda Maanta (+Sawiro)

Bollywoodka waxaa soo mareen jilayaal badan oo aan magac weyn iyo guul midna ka helin xiligii dahabiga ahed 90-kii ilaa bilawgii qarnigaan kuwaaso diidmo badan kala kulmeen daawadayaasha.

Maqaalkaan waxaan kaga hadli doona atooryaasha Bollywoodka soo mareen 90-kii ilaa bilawgii qarnigaan kuwaaso ku fashilmeen fanka sido kalena isaga baxeen iyo muuqaalkoda maanta sawiro ka turjumayaan.

Ragg badan ayaa liiskan kasoo muuqan doonan dabcan aad hal film ama labo film ku daawateen waana macquul kuwa qaarkod xitaa magacyadooda in aadan garaneenin.

Fadlan halkaan hoose kaga bogo atoorayasha Bollywoodka ku fashilmeen ee 90-kii ilaa bilawgii qarnigan la daawan jiray…

Faisal Khan:

Wuxuu la dhashtay Mr.Prefectionist Aamir Khan waxuuna caan ku yahay filmkii Mela ee Aamir Khan isla sameyeen waana mashruuc xiiso leh balse ka guul dareestay.

Faisal muuqaal ahaan waxuu ahaa bilawgii qarnigaan mid diyaarsan sido kalena dadaal badana haduu sameen lahaa Bollywoodka guul ka gaari lahaa nasiib xumo se jilaagan Bollywoodka wuu isaga baxay waxaana la sheegay sanadihii 2005 ilaa 2007 in uu xanuunsaaday sido kalena dhanka maskaxda laga galay ayadoo qoyskiisa sida aabihiis iyo Aamir Khan ku dadaalen side ku daween lahaayen hader waxuu la nool yahay qoyskiisa waana caafimad qabaa isagoo aflaamta doorar yar yar kaga soo muuqda waxuun door yar kulahaa filmkii Chinnar Dastaan-E-Ishq ee la daawaday sanadkii 2015.

Shadaab Khan:

Shadaab Khan waxaa aabo u ah halyeeygii geeriyoday Amjad Khan kaaso ahaa Legend magac weyn kulahaa fanka hindiya waxuuna fanka kusoo galay filmkii caanka ahaa Raja Ki Aayegi Baraat ee la daawaday sanadkii 1996 sido kalena Rani Mukerji kusoo caan baxday.

Calankiisa ayaa dhacays maadama daawadayaasha dhankooda uusan soo dhaween kahelin waxuuna markii dambe isku bedelay film sameye isagoo aflaam waqti yar soconayaan wax ka sameyay..

Kamal Sadanah:

Kamal Sadanah waa mid kamid ah atooryaashi Bollywoodka soo mareen bilawgii 90-kii waxuuna atoorahan lasoo shaqeyay quruxleydii hindiya Divya Bharti ee geeriyotay bilawgii 90-kii isagoo la sameyay filmkii Rang ee jaceylka ahaa..

Balse ma noqonin atoore guul ka gaaro Bollywoodka calankiisa ayaana dhacay aqoonsi ku filana ma uusan helin waxuuna markii dambe noqday film sameye iyo qarash gareye..

Deepak Tijore:

Deepak inta badan aflaamta waxuu kaga soo muuqan jiray door caawiye ah ama door xumaan ah oo laadarnimo ah waxaana kamid ah aflaamtisa ugu caansan Jo Jeeta Wohi Sikandar oo uu door wacan ku yeeshtay, Naayajaz, Baadshah,Raja, Anjaam iyo kuwa kale waana jilaa ilaa 80-maadki filamda kasoo muuqan jiray.

Filmkiisa udambeyayna waxuu ahaa Do Lafzon Ki Kahana oo uu Director ka noqday waxaana la daawaday sanadkii 2006 waana jilaa saaxada Bollywoodka ka dhacay…

Lasoco Qeybta Xigta Maqaalka…