Waalid walba waxay jecel yihiin caruurtooda inee wadadooda soo raacaan waa hadii waalidkaas noqdeen kuwa nolosha maqaam sare ka gaareen iyo shaqadii ay hayeen waxayna ubadkooda la rabaan mustaqbal fiican iyo meel sare marwalba iyo goob walba.

Sidaa si lamid ah Superstar-da Bollywood-ka waxay jecleesteen wiilashoodana inee noqdaan Superstar-da mustaqbalka oo iyaga booskooda dhaxlaan laakiin sidaa ma noqon hadii la helay atoorayaal badan oo darajada Super Star-nimo gaareen kuwa kale oo Flop Stars noqdeena wey buuxaan.

Maqaalkaan waxaan kusoo bandhigeena 10 Xidig Superstar-nimo gaareen balse caruurtooda fashil weyn kudhacay Flop Stars-na noqdeen hoos kaga bogo liiska..

1-Rahul Khanna: Waxaa aabo u ah Vinod Khanna oo ahaa atoore guul u saaxiib ah iyo Superstar maqaam sare ka gaaray fanka hindiya waxuuna la xifaaltami jiray Dharmendra iyo Amitabh Bachchan balse wiilkiisa Rahul Khanna dadka qaar xitaa hader ma garanayaan Filimkiisa kowaad Arth ayuuba ku fashilmay markuu socon waayey oo uu Flop Star noqday fanka wuu ka fariistay bal arka aabaha iyo wiilkiisa side ukala fogyihiin.

2-Tusshar Kapoor: Superstar Jeetendra (Faaris) ayaa aabo u ah waana naqaana Jeetendra inuu ahaa atoorihii kowaad ee halista galiyay Amitabh Bachchan 80-maadkii waxuuna iski dayey Big B inuu kursiga iyo hogaanka awoodaha kala wareego laakiin wiilkiisa Tusshar iskadaa inuu Superstar noqdee Star caadi ah wuu noqon waayey fagtii hore Filimada ayuu hogaamin jiray bilawgii qarnigan markii la arkay inuu eber yahay doorar yar yar ayaa laga siiya Filimada si qaas ah kuwa shactirada ah ileen Filim ma iibin kare.

3-Fardeen Khan: jilaagan Soomalida aadka u jeceshahay 1998 ayuu Bollywood soo galay mudo 12 sano ah ayuu iskudayey inuu maqaam ka gaaro fanka hindiya wuuna noqon waayey atoore awood leh balse waxuu kamid noqday Flop Stars aabihiisna waa Feroz Khan oo ahaa Superstar-kii bari samaadkii iyo atoorihii Filimka Qurbaani.

4-Mahaakshay Chakraborty: Shaki kuma jiro Superstar Mithun Chakraborty inuu ahaa atoore quwad kuleh fanka hindiya 80-maadkii aduun weynaha ayaa wada jeclaadeen markuu sameeyay Disco Dancer balse waxuu dhalay midu ku qasaaray oo ladhaho Mahaakshay kaaso Flop Star noqday ugu dambeyna hawada laga waayey dadka qaar xitaa sifiican uma garanayaan hader.

5-Sunil Anand: Aabihiis waa Dev Anand waxaana ladhihi jiray bari samaadkii “Legend Of Indian Cinemas” oo micno ahaan loola jeedo halyeeyga Shineemooyinka India waxuu ahaa Superstar aan loo dhowaan karin oo la tartami jiray Dilip Kumar-kii awooda ku heestay India wiil uu dhalay Oo Sunil la dhaho ayaa iskudayey aabihiis Dev Anand oo kale inuu noqdo xitaa xidig caadi ah wuu noqon waayey markii dambena waaba la waayey ceeb ayuu la dhuuntay.

Lasoco Qeybta Labaad…….

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here