waxaa dalka india ku dhex jira aktaro caan ah oo badan kuwaaso aan la tirin karin laakiin haddii laga hadlo xirfad waxaa jira aktaro faro ku teris ah kuwaaso leh xirfad jiliin heer sare iyadoo qaarkood aktaradaas la siiyo darajo hoose halka aktarada iyaga ka liitay iyagana  la siiyo darajo heer sare ah waana mid xaqdaro

haddaba maanta waxaan ku haya 8 aktar kuwaaso ka mid

1.Allari

Allari aan shaki ku jirin, mid ka mid ah actor tayo leh Tollywood, isagoo ka mid ah jilaayaasha looga haray dhanka iyo shactirada isagoo lagu xasuusto aflaamta sida Sudigadu, Gamyam, Seema Sastri, Allari hubaashii waa aktarada dhalinta kuwooda ugu jiliinka wanaagsan laakiin waxaa la yaab kula noqon doonta inuu ka mid yahay tobanka aktar ee ee xaqiran kuwaaso aan la siinin darajadii ay mudnaayeen .

2. Ashish Vidyarthi

Vidyarthi ninkan ka hadal uma baahna isagoo fanka filim jilista kusoo jiray inka badan 25 sano isagoo lagu yaqaano inuu shaashada filimka ka muujiyo bandhig cajiib ah iyo hadalo kulul waxaana ninkan soomaalida u taqaana magaca Inder maadaama uu markii hore kasoo muuqan jiray aflaamta bollywoodka hadda waxa si weyn ula shaqeeya shirkadaha koonfurta waxaana weligiisa lagu xasuusan doona doorarkii uu ku lahaa aflaamta sida Ghilli, Barudu, Badal, Kaho Na..Pyaar  waa arrin cajiin ah inuu ka mid noqdo akatarada aan la buun-buunin

3. Rao Ramesh

 Rao Ramesh  waa jilaa ku caan baxay inuu dhadhan u yeelo aflaamta koonfurta kuwaaso hadda si weyn u haystaan dalka soomaaliya oo waxa looga daawadaa si aan caadi ahayn ninkan waxa a si weyn loogu yaqaan inuu sameeyo doorka xumaanta waxaana uu kasoo muuqday aflaamo badan sida Magadheera, Attarinthiki Daredi, Fitting Master, Badrinath, waana mid ka mid ah aktarada ugu xirfada wanaagsan dhanka iyo koonfurta laakiin waxa uu ka mid yahay aktadada xaqiran

4. Kota Srinivasa Rao

ninkan waa halyeey usoo gaamuray fanka koonfurta isagoo ka mid jilaayaasha kasoo muuqdayn aflaamta ugu badan marna lama hilaami karo doorarkiisa aflaamta kala ah Dookudu, Athadu, Gabbar Singh, Nayaak iyo kuwa kale oo badan kuwaaso uu ku muujiyay bandhig cajiib ah isagoo ah jilaa sumacd iyo xushmad ku dhex leh koonfurta laakiin waxa uu soo galay liiska xidigaha meel layska dhigay amaantooda

5. Sharwanand

aktarkan waxa uu sameeyay aflaamo hits ah sida Shantamanam Bhavati, Run Raja Run, Gamyam, Prasthanam iyo kuwa kale oo badan. aktarkan si weyn loogu amaanay aflaamtiisa ugu horeeyay ee uu kasoo muuqdo Vennela iyo  Amma Cheppindi. laakiin waxaa hubaal ahayd inan aragno isagoo kasoo muuqanaya aflaamo intan ka badan laakiin sida loo xaqiraayay aktarkan hadda waxa uu ka mid noqday jilaayaasha iska meel dhexaadka.

6. Brahmaji

 Brahmaji ninkan waa aktar caan ah oo ka tirsan  Telegu isagoo lasoo shaqeeyay aktarada ugu caansan gudaha Telegu sida Pawan Kalyan,  Mahesh Babu , Ravi Teja , Allu Arjun ,Ram Charan iyo kuwa kale oo badan sidoo Brahmaji waxa uu aflaamta qaar uu ku leeyahay doorar muhiim ah isagoo badanaa jecel inuu aflaamta ku jilo door asktari laakiin
 Brahmaji waxa uu ka mid noqday 10 aktar kuwaaso aan la siini darajadii ay mudnaaayeen

7. Tanikella Bharan

Tanikella Bharani isagana waa halyeey Telegu marka la eego doorka uu kasoo qaatay horumarka shirkadan iyo saamaynta uu ku leeyahay aflaamta Telegu isagoo ah aktar samayn kara doorar waliba sida doorla xumaanta midka caawiyaha , waalid , shactiro , siyaasi iyo kuwa kale oo badan sidoo kale Tanikella Bharani waxa Leeyahay xirafado kala duwan sida inuu qoro sheekooyinka aflaamta iyo inuu mararka qaar uu noqdo filim sameeye ama Director waxaana aktarkan lagu soo daray liiska aktarada sida weyn loo xaqiray

8. Adivi Sesh

Adivi Sesh aflaamta u sameeyo waxa uu markasta ku leeyahay door aan marna la hilmaami karin sida aflaamta Baahubali: The Beginning, Dongata, Panja , Baadshah iyo kuwa kale oo badan.  Adivi Sesh waa aktar dhalin-yaro ah kaaso leh bandhig cajiib ah laakin markasta la xaqiro sida muuqata markasta uu doonayo inuu horumar sameeyo waxaa loo dhiiba doorar iska yar yar uusan u qalmin

9. Adith Arun

aktar dhawaan galka ah laakiin leh xirfad jiliin heer sare ah waxa uu dadka kaga yaabsaday tayadiisa jiliin sida bandhiga filimka Katha waxaana aktarkan uu muujiyay sida uu u noqon karo aktarka guuleysta laakiin ilaa hadda waxaa muuqata inan la siinin aflaamta u mudnaa isaga

10. Satyadev Kancharana

aktarkan samayn kara doorarka kala duwan ayaa dad badan waxa ay ku xasuustaan doorarkiiaa aflaamta kala ah Ghazi Attack iyo Maine Pyar Kiya, Satya laakiin isaga waxa uu kasoo muuqday aflaamta ay samayso shirkada Tollywoodka laakiin ilaa hadda isaga ma helin darajada hogaamiye dhanka aflaamta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here