Fanka loo yaqaan Tollywood ama Telugu ee xarun u ah magaalada Hyderabad waxay ku jiraan waqtigooda ugu fiican ayagoo heestaan atoorayaal dadka filim ka gadi karaan iyo filim sameeyayaal lagu bartay diyaarinta aflaan tayo wanaagsan leh labadaas arin waxay ka caawisay in guulo joogto ah sanad walbo gaaraan aflaantooda waa weyn.

Haatan Tollywood wey talaabsadaan madaama ay soo wadaan mashaariic waa weyn oo lacago ka badan 100 Crore ($14m) lagu qarash gareenayo waxaana lagu kalsoon yahay lacagaha la galinaayo aflaantan ka badan in laga heli doono madaama filimadooda meel walbo laga daawado.

Mega Power Star Chiranjeevi waxaa u diyaarsan filimka lagu magacaabo Acharya oo 14 Aug 2020 la daawan doono waa mashruuc 150 Crore ka badan miisaayinad ah xambaarsan waxaana soo saare ka ah Ram Charan halka Koratala Siva uu Director ka yahay.

Superstar Prabhas wuxuu haatan duubayaa filimka loogu yeero Jaan isagana in ka badan 150 Crore ayuu xambaarsan yahay waxaana la daawan doonaa bilaha June ama July ee sanadkan.

Stylish Star Allu Arjun dhawaan wuxuu duubis ku bilaabi doonaa filim weyn oo 100 Crore badan miisaaniyad ah xambaarsan waxaana Director ka ah Sukumar waxaana la daawan doonaa dabyaaqada sanadkan ama bisha October.

Dhinaca kale Ram Charan iyo Jr. NTR waxay duubis ku wadaan filimka weyn RRR oo SS Rajamouli Director ka yahay wuxuuna ximbaarsan miisaaniyad gaareyso ilaa 400 Crore ayadoo la daawan doono 8 Jan 2021. Sidoo kalena NTR filim kale oo weyn wuxuu u sameyn doonaa Director Trivikram marka uu duubista RRR dhameeyo.

Ugu dambeyntii Suldaan Mahesh Babu filimkiisa xiga isagana waa mashruuc weyn oo 150 Crore ka badan miisaaniyad ah xambaarsan waxaana Director ka ah Vamsi Paidipalli qorshahana wuxuu yahay in horaanta sanadka dambe la daawado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here