Taariikhda fanka Hindiya waa mid aad u waqti dheer sidoo kalena xili walbo atoorayaal ayaa fanka kusoo biiraan balse loolabka kuwo wey ka haraan kuwa wey sii wataan.

Sidaa darteed Varun Dhawan wuxuu noqday atoorihii ugu dambeeyay ee u dalacay xidignimo (From Actor to Star) micnaha wuxuu haatan noqday xidig caan ah oo shacbiyad leh aflaantana gadi karo hadii uu sidaan sii joogteeyo Superstar ayuu u dalaci doonaa (From Star to Superstar).

Sidaa darteed waxaan idiin heynaa maqaal xiiso badan oo xog xasaasi ah xambaarsan kaasi oo ka hadlaayo laga soo bilaabo 1930 ilaa 2017 atoorayaasha Bollywood-ka ee xidignimo u dalaceen waana darajo qof kasto gaari karin:

1930-1939 – 3-atoore ayaa Xidignimo u dalaceen

KL Saigal (1933)

Ashok Kumar (1936)

Prithvi Raj Kapoor (1936)

1940-1949 – 5-atoore ayaa Xidignimo u dalaceen

Karan Diwan (1944)

Surendra Nath (1946)

Dilip Kumar (1947)

Dev Anand (1948)

Raj Kapoor (1949)

1950-1959 – 5-atoore ayaa Xidignimo u dalaceen

Bharat Bhushan (1952)

Pradeep Kumar (1953)

Sunil Dutt (1956)

Shammi Kapoor (1957)

Rajendra Kumar (1959)

1960-1969 – 5-atoore ayaa Xidignimo u dalaceen

Biswajeet (1962)

Joy Mukherjee (1962)

Shashi Kapoor (1965)

Manoj Kumar (1965)

Dharmendra (1966)

Rajesh Khanna (1969)

1970-1979 – 4-atoore ayaa Xidignimo u dalaceen

Amitabh Bachchan (1973)

Rishi Kapoor (1973)

Vinod Khanna (1976)

Jitendra (1977)

1980-1989 – 5-atoore ayaa Xidignimo u dalaceen

Sunny Deol (1983)

Jackie Shroff (1983)

Mithun Chakraborty (1985)

Anil Kapoor (1985)

Sanjay Dutt (1986)

1990-1999 – 7-atoore ayaa Xidignimo u dalaceen

Aamir Khan (1990)

Salman Khan (1991)

Ajay Devgan (1992)

Shahrukh Khan (1993)

Akshay Kumar (1994)

Suniel Shetty (1994)

Bobby Deol (1998)

2000-2009 – 3-atoore ayaa Xidignimo u dalaceen

Hrithik Roshan (2000)

Saif Ali Khan (2005)

Ranbir Kapoor (2009)

2010-2019   4 -atoore ayaa Xidignimo u dalaceen

Emraan Hashmi (2010)

Varun Dhawan (2017)

Ranveer Singh (2018)

Tiger Shroff (2018)

Xogta Sare Maxaan Ka Fahmi Karnaa?

Xogta waxay na tuseysaa 10-sano kasto in atoorayaal ay xidignimo u dalacayeen, atooraha marka uu xidig noqdo waxaa laga wadaa inuu filim kaligiis gadi karo, shacbiyad uu fagta hore daawadayaasha kusoo jiito leeyahay sidoo kalena aflaanta hogaamiye ka noqon karo xitaa hadii jilaayaal kale ay kula jiraan.

Xidignimada waa darajo ka hooseyso Super Star-nimada, sidoo kalena atoore inuu xidig noqdo ayaa wax weyn ah laakiin xidignimada atoorayaasha qaar kama gudbaan weyna adag tahay inaad xidig sii ahaatid hadii Superstar u dalacin atooraha.

Atoorayaal xidignimo u dalaceen ayaa waqtiyo kala duwan xidignimadooda lumiyeen tusaale ahaan Suneil Shetty oo kale markii uu 1994 xidig weyn noqday ilaa 1999 ayuu xidig ahaa laakiin markii qarningaan lasoo galay xidignimadiisii wuu lumiyay wuxuuna ku laabtay atoore caadi ah ilaa markii dambe uu saaxada ka baxay.

Sidoo kale Bobby Deol sanadii 1998 wuxuu noqday xidig weyn kadib filimkiisii Soldier oo Hindiya dhan gil gilay laakiin qarnigaan marka lasoo galay gaar ahaan wuxuu ka dambeeyay 2002 xidignimadiisii wey luntay atoore caadi ah ayuu noqday haatana wuxuuba u dagaalamayaan inuu soo ceshto doorkiisii atoorenimo madaama uu baska ka dhacay.

Emraan Hashmi isaga xidig guusha u saaxiib ah ayuu noqday 2010 marka lasoo galay oo weliba Super Hits joogto u sameeyo, laakiin 2013 wixii ka dambeeyay hoos u dhac waali ah ayuu sameeyay hadana atoorenimo ayuu kusoo laabtay wuu lumiyay xidignimadiisa hadana halgan ayuu ku jiraa.

La Soco Qaybta Xigta Oo Aan Kusoo Qaadan Doono Atirishooyinka u dalaceen 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here