Sanadkii murugada ayaa loo bixin doonaa marka fanka hindiya ahaan laga hadlo sanadkaan ayaa noqday mid taariikhi ah wax badana la xusi doono maadama dhacdooyin kala duwan la arkay.

Atoore horleh ayaa geeriyooday kadib markii laga helay meedkiisa qolkiisa jiifka ah waxaana la xaqiijiyay inuu is dilay sida booliska sheegeyn iyagoo u sababeyeen inuu la murugeysnaa shaqo la’aan mudo dhowr bil ah.

Balse qoyska wiilka waxay ku andacoonayaan in wiilkooda la dilay iyagoo intaas ku dareen in booliska xaqiiqada qariyeen sikastee ahaataba waxaa la diiwaan galiyay inuu is dilay.

Akshat Ukshat waxuu ahaa 26-jir kasoo jeeda Bihar waxuu degenaa Andhere saaxiibtiis oo la nooleed ayaa saqdhexe habeenimo iyadoo soo kacday xili ay suuliga u socotay aragtay jilaagan oo meed ah sariirtana yaala markaas ayee boolis uwacday.

Markii la baaray waaba meed xili hore geeriyooday meedkiisana waxaa loo gudbiyay qoyskiisa.

1 COMMENT

  1. Reerka atooraha dhalay Way ku saxan yihiin in ay been ku tilmaamam hadalka police ka waayo
    Police Maharashtra laguma kalsonan karo hadalkooda waayo ku dhawayd labo bilood iyo dheerad waa ogayn waxa dhacay kolka wiilkan reerkoda aad bay ugu saxan yihiin in ay diidan hadalka police ay ka dhawaajiyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here