Atoore TV-yada caanka ah oo ku biiray jilista jadwalka ugu dambeeyo filimka Thugs of Hinduston

Shirkada Yash Films filimkeeda Thugs of Hinduston waa midka ugu weyn uguna hadal heynta badan filimada sanadkaan 2018 la daawan doono madaama la isugu keenay  Aamir Khan, Amitabh Bachchan, Katrina Kaif, Fatima Sana Shaikh.

Haddaba jadwalka ugu dambeeyo duubista filimkaan waxay ka socotaa gobolka saxaraha Rajasthan gaar ahaan Jodhpur ayadoo qalcad weyn loo dhisay halkaasna ficilo dagaalka seefaha lagu sameyn doono.

Haatan waxay shirkada Yash Raj Films la saxiixatay jilaaga TV-yada caanka ah Ronit Roy oo jadwalka ugu dambeeyo filimka Thugs Of Hinduston ka qayb qaadan doono.

Ronit Roy oo aad u faraxsan qoraalkan ayuu baraha bulshada soo dhigay “Waxaan u duulay Jodhpur waxaana la shaqeyn doonaa Director-ka cajiibka badan Victor Acharya”

“Waxaan u mahad celinayaa shirkada YRF oo igu soo dartay filimkeeda weyn TOH, waxayna ii noqon doontaa waaya aragnimo cusub la shaqeynta jilaayaasha waa weyn ee filimkaan la isugu keenay”

Ronit Roy dhawaanahan filimada Bollywood-ka uu sameeyay amaan wacan ayuu ku helaayay doorka uu ka qaadanayay sida UdaanBossUgly, Kaabil iyo Lucknow Central.

Filimka TOH waxaa la daawan doonaa feestada Diwali ee sanadkan kuna beegan 7 November 2018.