aktarka Varun Dhawan waxa uu ka mid yahay jilayaasha ugu jiliinka iyo awoodda badan xiliga isagoona lagu tilmaamo aktarka ugu guulaha badan jiilkiisa

Varun dhawan waxa uu dhawaanahan ku mashquulsanaa duubista dib u samaynta filimka Coolie no.1 kaaso ay hore u sameeyeen Govinda iyo Karishma waxaana la wado atariishada Sara Ali Khan

iyaddoo aktarkan habeenkii xalay aktarkan isaga iyo jaceylkiosa Natasha Dalal u casho tagayn magaalada ka dib cashada Varun ayaa waxa uu galay baaburkiisa xilli taageerayaashiisa ay ka hareereeyeen iyagoona ka codsanaayay inay sawiro la galaan laakiin aktarkan ayaa u sheegay inuu daalan yahay

laakiin Varun ayaa meel iska dhigay daalka yahay ka dib markii u maqlay mid ka mid ah taageerahiisa kaaso ku qayilinaya inay tahay dhalashadiisa sidoo kalena u doonaayo inuu u jaro doolshada ama Cake

Varun waxa uu kaso dagay gaarigiisa isagoona soo abaaray taageerahiisa si uu uka dabaal-dago dhalashadiisa isagoona u jaray doolshada sidoo kalena u galiyay afka

ka dib Varun waxa uu waqti yar la qaatay taagarahaas si uu ula qaybsado dabaal-daga waxaana arrintan Varun uu ku kabaday qalbiyada boqolaal taageere kuwaaso isaga taageera ama aan taageerin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here